Madaxweyne Xasan Sheekh " Askarigii Shacabka Dhiba Waa Inuu Ogaadaa Sida Al Shabaab Oo Kale In Loola Dagaalamayo".

0

presidentMuqdisho (AGGM): Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay askarigii dhibaato ugeesta shacabka Soomaaliyeed loola dagaalamayo sida ururka Al-Shabaab ay ula dagaalantay Dowladda Soomaaliya.

Isaga oo la hadlaye boqolaal ka tirsan ciidanka xooga dalka Soomaaliya Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan dooneyn askari dhiba.

Wuxuu sheegay askariga qoriga wata ee isbaarada udhigana shacabka Soomaaliyeed ee handadaada ugeysanaya misna ka qaadaya lacagta uusan uga sokeenin shacabka dhibkii Shabaab ay ku hayn jireen oo kale.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamada Dowladda oo dhan aysan wada xumeen balse ay jiraan qaar ka tirsan ciidanka Dowladda Soomaaliya oo ku kacaya fal dhibaato ah oo kala fogeynaya shacabka iyo Dowladda isaga oo tilmaamay in shaqsiga caynkaasi oo kale ah uu mudan yahay in la iska qabto.

Inkastoo ciidanka Dowladda oo idil aysan ku kicin falalka dhibaateynta shacabka ayaa hadana qaar kamid ah ciidamada oo wata dareeska qaranka Dowladda ay ubareeraan inay dhibaateeyaan shacabka dhac iyo handadaadna ugeestaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com