Hogaamiyaha Ururka Mayalka Adag Ee Al Qaacida Ayman Al-zawaahiri Oo Fariin Uu Soo Diray Kaga Hadlay Soomaaliya. *Dhagayso*

0

zawahiri(1)Hogaamiyaha Ururka argagixisada mayalka adag ee  Al-Qaacida Ayman Al-zawaahiri ayaa fariin maqal oo uu soo diray kaga hadlay arrimaha Soomaaliya, isagoo ugu hambalyeeyay ururka falaagada ah ee Al-Shabaab howl galkii fashilmay ee Faransiiska ka fuliyay deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Fariinta maqalka oo la soo dhigay barta Youtube ayaa waxaa baahisay Mu’asasadada Asahab oo soo gudbisa fariimaha ururka argagixisada mayalka adag ee Al-Qaacida.

Ayman Al-zawaahiri ayaa in Faransiiska uu jab weyn ka soo gaaray howl galkaas, isla markaana ku fadeexoobay sida uu ugu fashilmay howl galkaas waa sida uu yiri’e.

“Ugu horeyn waxaa shacabka Soomaaliyed, gaar ahaan Mujaahidiinta ugu hambalyeynayaa fashilka howl galkii Faransiiska ee uu ku furan lahaa maxbuuskooda”ayuu yiri Sheekh Ayman Al-dawaahiri.

Waxaa uu ugu baaqay shacabka inay is bar bar taagaan shareecadada Islaamka, ayna garab taagnaadaan mujaahidiinta
“Shacabka Soomaaliyeed ee muslimka sharafta lahaaw kaalaya aan sharciga islaamka iyo kalimada Towxiidka ku midownee,aan ku midowno fariidada cayniga ah”ayuu sii raaciyay hadalkiisa

Horjooge Ayman Al-zawaahiri ayaa isagoo sii wata hadalkiisa waxaa uu ku eedeeyay rere galbeedka inay soo maleegayaan duulaanka ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed.

“Xukuumada daba dhilifyada ee ay soo dhiseen dowladaha shisheeye waxay ujeedkooda yihiin faafinta cilmaaniyada iyo inay dhaqanka wanaagsan ka leexiyaan shacabka Muslimiinta”ayuu yiri.

Horjooge Ayman ayaa waxa kale oo uu yiri “Waalaheyga iyo wiilasheydiyoow kaalaya aan ku midowno kalimada towxiidka aan ku kulanno Fariidada ceyniga ah ee naga saaran in ay saliibiyiinta dhulkeena ka difaacano sharafka muslimiintana sare u qaadno” ayuu ku sii daray hadalkiisaFariintan uu soo diray Hogaamiyaha ururka argagixisada mayalka adag ee Al-qaacida ayaa ku soo aadeysa, iyadoo ay soo baxayeen warqado.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com