Dib U Dhac Ku Yimid Shir Looga Hadli Lahaa Arrimaha Soomaaliya.

0

SHIR ADIS KNN 20000Addis Ababa (AGGM): Warar laga helayo wadanka Ethiopia gaar ahaan magaalo madaxdiisa Addis ababa oo ay ku kulan sanaayeen gole wasiiro arrimo dibaddeed ah oo ka socda wadamada ku jira urur goboledka IGAD ayaa sheegaya in kulankii lagu waday in ay uga hadlaan arrimaha wadanka Soomaaliya uu dib u dhac uu ku yimid.

Dowladda Kenya oo iyada kamid ah dowlddaha ku jira urur goboleedka IGAD ayaa sheegtay in iyada ay codsatay dib u dhigista kulanka ay golaha wasiirada arrimaha dibadda IGAD uga hadli lahaayeen arrimaha Soomaaliya.

Saraakiisha wadanka Kenya ayaa dalabkooda ku micneeyay in ay doonayaan marka hore in madaxda IGAD ay ka qeyb galaan musanabada lagu dhaarinayo madaxweynaha wadanka Kenya Uhuru Kenyaata midaasi oo xigaysa in gole wasiro la soo dhiso si wasiirka arrimaha dibadda cusub ee Kenya uu uga qeyb galo kulanka arrimaha Soomaaliya looga doodayo.

Kenya ayaa waxa ay kamid tahay dowladdaha sida weyn u daneeya siyaasada wadanka Soomaaliya iyadoona qeyb ka ah howgalka AMISOM  ee Soomaaliya laga wado.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com