Wafdi Dowladda Soomaaliya Ka Socda Oo Kormeer Ku Tagay Magaalada Dhuusamarreeb.

0

Mahamed-Abaa-Nuur-300x225Dhuusamareeb (AGGM): Saraakiil ka socotay xukuumadda federaal-ka Soomaaliya oo ka amba-baxay magaalada Muqdisho ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Wafdiga oo ka kala socday xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa waxaa hoggaaminayay la taliyaha ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee dhinaca nabadgeliyada iyo dib-u-dejinta, Maxamed Abba-Nuur.

Saraakiisha ayaa u kuurgalaya sida ay u socdaan qorsheyaal la doonayo in mashaariic horumarineed looga fuliyo deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolka Galgaduud, sida uu sheegay Maxamed Abba-Nuur.

Wuxuu sheegay in mashaariic horumarineed oo ay maalgelinayso hay’adda USAID dhowaan laga billaabayo deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolka Galgaduud.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com