Uhuru Kenyata Oo Ka Hadlay Arrimaha Soomaaliya.

0

kenyataNairobi (AGGM): Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Uhuru Kenyata ayaa markii ugu horeysay si toos ah waxa uu uga hadlay xaaladda Soomaaliya isagoo sheegay inuu sii wadayo taageerada uu u hayo dowladda Soomaaliya, wuxuuna xusay in xaalada Soomaaliya ay haatan mareyso meel wanaagsan.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa amaanay horumarka dhinaca Nabadgalyada ee haatan laga dareemayo Soomaaliya, wuxuuna tibaaxay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMSOM ay la wareegeen sida uu yiri gacan ku heynta inta badan gobolada Soomaaliya, isagoo ku sheegay arintaasi in tahay tilaabo wanaagsan oo horay loo qaaday.

Mr. Kenyata ayaa sidoo kale carabaabay in xiriirka Soomaaliya iyo Kenya horey meeshii uu joogay ka sii socon doono, isla markaasna xukumaddiisu ay diyaar u tahay wada shaqeyn buuxda oo ay la yeelato dowlada Soomaaliya.

Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya kama hadlin ciidamadiisa jooga gudaha dalka Soomaaliya, wuxuuse sheegay in AMISOM ay hormuud ka tahay sida uu yiri nabadgalyo uu sheegay inay Soomaaliya hadda helayso, waxaana hadalkan uu u muuqdaa in madaxweynaha cusub ee dalka Kenya uu ku socon doono siyaasadii ay Somalia ku wajaheysay dowladdii ka horeysay isaga.

Kenya ayaa waxaa ka jooga Soomaaliya ciidamo kumanaan askari gaaraya oo degaano ka tirsan gobolada jubooyinka oo ay ka mid tahay Kismaayo ka saaaray xoogaga falaagada Al Shabaab, waxaana ciidamadaas ay qeyb ka yihiin kuwa howlgalka midowga afrika ee AMISOM.