Meelshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Dhacay Goobo Ganacsi Oo Ku Yaal Suuqa Dalcada Iyo Suuq Yaraha Magaalada Kismaayo Iyo Isbaarooyin Ay Dhigteen.

0

kismaayo2Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Ganacsatada magaalada Kismaayo ee xarunta gobbolka Jubbada Hoose ay cabasho xoogan ka muujinayaan dhibaatooyin iyo Boob cad oo ay sheegeen inay ku hayaan Maleeshiyao beeleedka Raaskambooni.

Xalay iyo maanta ayaa Rag Hubeysan oo ka tirsan Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay dhac u geesteen Goobo Ganacsi oo ku yaala uuqa Magaalada Kismaayo.

Shabakada Allgalgaduud Media oo la xiriirtay qaar kamid ah Ganacsatada magaalada Kismaayo ayaa waxa ay u Xaqiijiyeen in illaa iyo hadda inta la ogsoon yahay  Lix Xarumood la dhacay Xalay, Saakaynah al baabada loo Laba 2 Dukaan.

Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo  ku hubeysan qoryaha fud fudud AK 47 ayaa lagu arkayaa iyagoo dhex socda qaar kamid ah suuqyada magaalada Kismaayo, iyagoo maleeshiyaadkaasi si xoog ah ku galaya xarumaha ganacsi ee waaweyn ee magaalada Kismaayo.

Suuqa Dalcada, iyo suuq Yaraha magaalada Kismaayo ayaa kamid ah meelaha ay dhaca xooggan ka geysanayaan Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Sidoo kale Maleeshiyo beeleedka uu hoogamiyo Axmed Madoobe ayaa isbaarooyin soo dhigteen Dariiqyada Magaalada waxa ayna Lacago uga qaadanayaan gaadiidka iyo Ganacsatada.

Isku soo wada duuboo waxaa jira warar galabta laga sii daayay idaacadaha maxaliga ah ee magaalada Kismaayo oo kasoo baxay horjoogaha maleeshiyada beeleedka Raaskambooni, ayaa waxaa lagu amray  maleeshiyada Raaskambooni askarigi kamid ah oo lagu arko isagoo qori ku dhex wata gudaha magaalada Kismaayo laga bilaabo beri subax 08:00 in barta uu taagan yahay lagu tooganayo, waloow aan la ogeeyn sida uu u fulayo amrkaa kasoo baxay horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com