Falaagada Al Shabaab Oo Dacwad Ka Dhan Ah Hogaamiyahooda Axmed Cabdi Godane U Diray Hogaamiyaha Ururka Al Qaacida.

0

alshababMuqdisho (AGGM): Abuu Bakr A-Saylici oo ka tirsan hogaamiyaasha sar sare falaagada argagixisada ah ee Al Shabaab ayaa warqad furan oo uu u diray hogaamiyaha ugu sareya ururka argagixisada ah ee Al-qaacida waxaa uu uga dacwooday hogaamiyaha falaagada Al-Shabab Axmed Cadi Godane oo Shababka dhexdiisa looga yaqaano Sh, C/raxman Abuu Zubeyr

Warqada io ka kooban illaa iyo 15 bog kuna qoran luuqada Carabiga ayaa Saylici waxaa uu wax badan kaga sheekaynaya tilaabooyin uu ku tilmaamay kaligi talisnimo uu ku hayo falaagada Shabaab Axmed Cabdi Godane.

Abu Bakar Saylici waxaa uu leeyahay Axmed Godane waxaa jira dhaqamo adag oo uu ku hayo falaagada Al Shabaab dhexdeeda islamarkaana uu diiday inuu maqlo ama uu dhagaysto fariimaha culumada ;

“Amiir waaan ka xumahay in dacwad tani oo kale ay ku soo gaarto haddana waa lagu qasban yahay waayo ma hayno wado kale oo aan u marno ama aan qaadno si arrintaan loo xaliyo” ayuu Abu Bakr Saylici ku qoray warqda uu Ayman Al-Zawahiri u diray.

Waqradaan Saylici oo kamid ah hogaamiyeyaasha falaagada Al-Shabaab ka tirsan waxaa uu ku sheegay  inay jiraan cabsi iyo cago jugleyn toos ah oo uu Abu Zubeyr ku hayo xubnaha aan Soomaalida aheyn ee Shabaabka ka bar bar dagaalama.

Sidoo kale hogaamiyahaan waxaa uu cabasho ka muujiyay inay jiraan xabsiyo u gaar ah hogaamiyaha falaagada Al-Shabaab ugu sareeyo kuwaasoo hawsha lagu qabto aysan waxba ka ogeyn hogaamiyeyaasha kale ee falaagada hogaamiya jinsiyaday doonaan ha ahaadeene.

Warqadaan oo ay maanta warbaahinta ururka argagixisada ah ee Al-Qacida taageerta qaarkood ayaa waxaa uu hogaamiyahaan ku dalbanayaa in is badal lagu sameeyo hogaanka falaagada Al-Shabaab si ay u dhacdo ayuu yiri kalsooni gasha Mujaahidiinta, Muhaajiriinta iyo Ansaarta sida uu yiri.

Si rasmi ah looma oga waqtiga warqadaan la qoray hase ahaatee waxaay muujinaysaa inuu jiro khilaaf ka dhex jira hogaamiyaasha falaagada argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgadud Media
allgalgaduud@gmail.com