Siyaasiyiinta Iyo Waxgaradka Beesha Sade Oo Si Cad Uga Soo Horjeestay Shirka Ka Socda Kismaayo.*Daawo Sawiro+Dhagayso*

0

DSC05021Muqdisho (AGGM):Kulan ay maanta ku yeesheen Hotel City Place ee Magaalada Muqdisho Siyaasiyiinta iyo waxgaradka kasoo jeeda  Beesha Sade oo looga hadlayay arimaha Maamul u samaynta deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo, iyo sidoo kale ismariwaaga dhex taagan Dowladda iyo Mamulka KMG ah ee gacanta ku haya Kismaayo ayaa maanta ku qabsoomay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qayb galay Xildhibaano, Siyaasiyiin, Odayaal dhaqameed, Ururada Haweenka iyo dhalinyaro kasoo jeeda beelaha Sade ee ku sugan Magaalada Muqdisho, waxaana furitaankii kulankaasi laga dhagaystay warbixino ku aadan arimaha Jubbooyinka Xildhibaanada Beesha Sade ugu jira baarlamanka Soomaaliya oo dhawaan qaarkod booqdeen gobolada Jubboyinka.

Xildhibaan C/laahi Yuusuf (Alenkey) oo goobta ka hadlay oo sharaxay ujeedka Shirka ayaa waxuu sheegay in ajandaha shirka uu yahay xog waraysi ku aadan Siyaasiyiinta beesha ugu jira dowladda Federaalka iyo qaybaha bulshada.

Xildhibaanka oo ka hadlay shirka Kismaayo ka socda ayaa waxuu yiri ”waxba yaanay dadka isku mashquulin shirka Kismaanyo ka socoda, waayo waxaa hubaal ah inuu mari doono halka uu maray kii ka horeeyay ee Azania, marka waa in ay dadka ka hadalaan waxii kale ee wax looga qabanyo danta umada.”

Kulanka kaddib ayaa waxaa Saxaafadda Shir Jaraa’id u qabtay Afhayeenka beelaha Sade ee Muqdisho Xasan Caydiid (Culujoog) wuxuuna faah faahin ka bixiyay waxyaabaha ay oga hadleen kulankoodii maanta.

Sidoo kale, waxaa shirka Jaraa’id ka hadlay Axmed Cabdi Sandheere oo ah Guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Jubbada Hoose, wuxuna dhaliilay Shirka ka socda Kismaayo,  waxuuna sheegay waxii kasoo baxa shirka Kismaayo in aysan aqbali doonin isla markaana besha Sade ay go’aan cad ka gaari doonto koox uu ku sheegay in ay la qadeeyaan hadba cidii uu dheri u karyo.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/04/Shir_Jaraaid.mp3-audio-mpeg-Objekt.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

DSC05021

DSC05028

DSC05031

DSC05040

DSC05039

2

DSC05057

Cabdiqani Maxamed Bayoow
Muqdisho,Soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com