Safiirka Soomaaliya Ee Kenya Oo La Kulmay Madaxweynaha Cusub Ee Dalka Kenya.*Daawo Sawirada*

0

wal4Nairobi (AGGM): Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Max’ed Cali Ameeriko ayaa kulan la qaatay madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo dhawaan maxkamada sare ee dalka Kenya sheegtay in uu yahay madaxweyne si dimuquraadi ah loo soo doortay.

Dajiraha dowladda Soomaaliya ee Kenya ayaa u gudbiyay madaxweynaha cusub Uhuru Kenyatta dhamaan hanbalyo ah oo uu ka siday madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud oo bogaadiyay doorashada Uhuru Kenyatta.

‘’Kulanka aan la qaatay madaxweynaha cusub ee dalka Kenya waxaa uu ahaa mid aan ku gaarsiinayay dhamaan hanbalyo ah oo aan uga siday madaxda Qaranka Soomaaliyeed oo uu ugu horeeyo madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud si aan ugu muujino madaxweynaha cusub tageeradeena,’’ ayuu yiri safiirka Soomaaliya u jooga magaalada Nairobi.

Dhawaan ayeey aheyd markii uu madaxweynaha Xassan Sheekh Max’uud u rajeeyay madaxweynaha cusub ee loo doortay dalka Kenya hormar iyo isaga oo ku bogaadiyay guusha uu ka gaaray doorashadii ka qabsoomtay dalkaas 4-tii bishii ina dhaaftay ee Maarso.

wal4

wal2

wal1

wal3

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com