Ciidamo Booliis Ah Oo La Sheegay In La Geynayo Gobollka Shabeellaha Dhexe.

0

Boolis1Jowhar (AGGM): Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in magaalada Marka ee xarunta gobollka Shabeellaha dhexe loo dirray ama la geynayo ciidamo ka tirsan booliiska Soomaliya, kadib markii ay maalintii shalay booqdeen wafdi ka socday xukuumada Soomaaliya.

Cabdi Jiinoow Calasow oo ah guddoomiyaha gobollka Shabeellaha dhexe ayaa warbaahinta u sheegay in ra’isal wasaaraha Soomaaliya uu ballan qaaday ciidamo Booliis ah la geyn doono gobolka Shabeelaha dhexe islamarkaana si ay uga qeyb-qaatan sugida nabad-galyada gobollka.

Guddoomiyaha gobolka shabeelaha dhexe Cabdi Jiinow Calasow ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka ku nool gobolkaasi in ay dowladda ataageeraan islamarkaana sugidda amniga ay kala shaqeeyaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii ay tageen magaalada Jowhar ee xarunta gobollka Shabeellaha dhexe wafdi uu horkacayay ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya, ayna ka mid ahaayeen wasiirrka arrimaha gudaha iyo kan gaashaandhiga.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com