Ciidamada Dowladda Soomaaliya Oo Xalay Howlgalo Ka Sameeyay Xaafado Kamid Ah Magaalada Kismaayo.

0

kismaayo2Kismaayo (AGGM): Ciidamadda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo sheegaya xalay inay howlgalo ka sameeyeen Xaafado kamid ah magaalada Kismayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kadib markii maalmihii ugu danbeeyay halkaasi ay ku sugnaayeen Wafdi ka socda dowladda intii uu wafdigu ku sugnaa Kismaayana ay ka dhaceen Qaraxyo dhowr ah, walow aysan jirin cid waxyeelo kasoo gaartay.

Mid kamid ah Saraakiisha hogaaminaysa Ciidamadda dowladda ee Howlgalka sameeyay ayaa sheegay in Ciidamadda dowladdu inay xalay ka sameeyen howlgalo amaanka lagu xaqiijinayo Xaafado kamid ah magalada Kismaayo oo looga shakisanyahay inay ku dhuumaalaysanayaan rag ka tirsan Kooxda Al-shabaab.

Ciidamadda ayaa howlgalka ka sameeyay Xaafada Guul-wade halkaasi oo shalay ay Ciidamadani ka samaysteen saldhig, ilaa iyo iminka ma jiraan howlgalkaasi cid lagu soo qab qabtay, waxaase xalay Xaafadaasi laga dareemayaa bandow ayadoona isku socodka dadka iyo gaadiidku ay joogsaden fiidkii hore ee xalay.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa shalay gudaha u galay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo markii hore kasoo kicitimay magaalada Ceel-waaq ee gobolka Gedo, Ciidamadda ayaa fariisimo ka samaystay markii ay soo gaareen magaalada Kismaayo deegano dhaca duleedka Magaalada , kadib markii uu muran soo kala dhex galay Masuuliyiintii horkacaysay Ciidamaddasi iyo Maamulka Gacanta ku haya kismaayo.

Ilaa iyo hadda ma jiraan wax war murtiyeed ah oo ku aadan Howlgalka iyo Ciidamadda dowladda ee gudaha u galay Kismaayo oo kasoo saareen maamulka KMG ah ee gacanta ku haya Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com