Guutada 1 aad Ee Ciidamada Dowladda Oo Maanta Gudaha Ugalay Magaalada Kismaayo.

0

DSC01420Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay sheegayaan in maanta barqadii gudaha ugaleen magaaladaasi guutada 1aad ee ciidamada dowladda oo dhawaan ka yimid gobolka Gedo kadib marki ay mudo ku sugnaayeen garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

Waxaa lagu soo waramayaa inay ciidamadan oo ku hubeysnaa gaadiidka dagaalka iyo hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa waxay fariisimo ka dhigteen maanta markii ay magaalada gudaha ugaleen Warshadii hore ee Hilibka iyo halka loo yaqaano boqolka guri.

Ciidamadaan waxaa la sheegay inay yihiin kuwo seddex todobaad ku sugnaayeen garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo  waxaana ay ka yimaadeen gobolka Gedo.

Ilaa hadda wax dhaq dhaqaaq ah ma aysan sameyn ciidamadaasi waxaana ujeedkooda uu yahay sugida amaanka magaalada Kismaayo.

Maamulka Kmg ee magaalada Kismaayo ayaan wali ka hadlin ciidamadaan maanta gudaha ugalay magaalada Kismaayo iyadoona laga yaabo saacadaha soo socda in war laga soo saaro sababta ciidamadaasi gudaha ugu galeen kismaayo.

Isha Ku Hay Allgaalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com