Mas’uuliyiinta Maamulka Magaalada Marka Ee Gobollka Shabeellaha Hoose Oo Xilalkii Laga Qaaday.

0

Magaalada-marka1-618x401Marka (AGGM):Wararka laga hellayo magaalada Marka ee xarunta gobollka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in xil ka qaadis lagu sameeyay mas’uuliyiinta maamulka ee dowladda Soomaaliya, kadib markii ay halkaa gaareen wafdi ka socda xukuumada Soomaaliya.

Wararku waxaa ay sheegayaan in ilaa iyo xalay uu magaalada ka socda wada hadallo u dhaxeeyay maamulka Marka iyo wafdiga ka socday xukuumada ee halkaa tagay oo uu horkacayo wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha xukuumada Soomaaliya.

Sidoo kale, wafdiga ayaa wada hadallo la yeeshay qeybaha kala duwan bulshada oo ay iska wareysteen xaalada magaalada oo maalmihii ugu danbeeyay ay isaga oo daba noqdeen dagaallo u dhaxeeyay ciidamada dowladda ee ku wada sugan magaalada Marka.

Waxaa ay xil ka qaadistan saameysay dhamaan mas’uuliyiinta maamulka magaalada Marka oo gaar ahaan guddoomiyihii maamulka C/raxmaan Cukaashe iyo ku-xigeenkiisii, iyadoo si ku-meel-gaar ah guddoomiyaha magaalada Marka loogu magacaabay Max’ed Cismaan Cali Yariisoow oo horay u ahaa madaxdii maaliyada degmada.

Wafdiga gaaray Kismaayo ayaa halkaa u jooga xal u helista xaalada colaadeed ee ka dhax taaga ciidamada dowladda oo la sheegay in ay ka soo bilaabtay khilaaf soo kala dhaxgalay guddoomiyaha Marka iyo ku-xigeenkiisa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com