Dowladda Sierra Leone Oo Sheegtay In Ciidamo U Soo Dirreyso Soomaaliya Horaanta Bisha April.

0

seraleon armyMuqdisho (AGGM):  In mudo ah kadib ayeey dowladda Sierra Leone ku dhawaaqday in ay diyaarisay ciidamo gaaraya ku dhawaan 1,000 askari oo qeyb ka qaadan doona howlgalka midowgga Africa AMISOM ee dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Sierra Leone  Ernest Bai Koroma ayaa khudbad dardaaran ah ujeediyay boqolaal askar oo qeyb ka noqonaya ciidamada dowladda ay u soo dirreyso Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay madaxweynaha in ay diyaariyeen ciidamo ku dhaw dhaw kun askari  oo hor leh oo ka mid noqon doona howlgalka ciidamada Midowga Africa ay ka wadaan Soomaaliya.

Waxaa uu intaa ku darray madaxweynahan ciidamadan ay soo qaateen tababar dheeraad ah islamarkaan uu u dhan yahay qalabkooda ciidan wuxuuna u mahad celiyay dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska oo uu sheegay in ay gacan ka geysteen diyaarinta ciidanka.

Saraakiisha dalka Sierra Leone ayaa sheegay in ciidamadan yihiin kuwo tababar wanaagsan qaba, islamarkaana qeyb weyn ka qaadan kar howlgalka AMISOM ee ka socda gudaha Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com