Qarax Ka Dhacay Magaalada Kismaayo.

0

kismaayo2Muqdisho (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in uu mar dhawayd ka dhacay gudaha magaalada qara aan illaa hadda la ogeeyn noociisa.

Qaraxan ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhexeeysa xrumaha saldhiga booliska iyo tan dagmada magaalda Kismaayo, ilaa hadda lama oga cid wax ku noqotay qaraxaas, balse warar horu dhac ah oo ay heshay shabakada Allgalgaduud Media ayaa waxa ay sheegayaan in uu ahayn qarax sidaa u mug leh qasaaraha uu geestayna aan wali la ogeen.

Magaalada Kismaayo ayaa haatan waxaa ku sugan wafdi balaaran oo uu horkayay R/wasaraaha Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon iyo wasiiro kamid ah golihiisa Xukuumada.

Isku soo wada duuboo waxaa beryahan dambe si xoowli ah uga dhacayay gudaha magaalada Kismaayo qaraxyo isdaba joog ah oo ay waxyeelo kasoo gaarto dadka rayidka ah ee ku dhaqan dagmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com