R/wasaare Saacid Iyo Wafdiga Uu Hogaaminayay Oo Gaaray Magaalada Kismaayo.

0

IMG_3101 (2)Kismaayo (AGGM):Wararka hadda naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in qadar  daqiiqado ka hor ah uu Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo soo gaaray  R/wasaaraha Soomaaliya  Dr. Abdi Farax Shirdoon Saacid iyo wafdi uu hogaaminayo.

R/wasaare Saacid ayaa marki uu ka soo dagay  Diyaaradi uu sarnaa waxaa uu salaan  sharaf ka qatay  Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee  ku sugaan Magaalada Kismaayo.

Wafdiga R/wasaaraha uu hogaaminayo ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo halkaas oo ay ku sugnaayeen dad aad u fara badan.

Waxii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com