Warsaxaafadeed: Wasiirka Gaashaandhigga Oo Galabta Kormeeray Xerooyin Ciidan Oo Ku Yaala Magaalada Kismaayo.*Daawo Sawirada*

0

SAM_0585 (2)Kismayo (AGGM): Wasiirka gaashaandhigga Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa galabta booqday xerooyin ciidan oo ku yaala magaalada Kismaayo, waxaana kormeerkiisan ku wehliyay Sarkaalka ugu sareeya ciidanka Kenya ee qeybta ka ah AMISOM, iyo sidoo kale saraakiisha ugu sareysa ciidanka Xoogga dalka ee Kismaayo ku sugan.

Wasirka ayaa ugu horeyntii booqday Xaruntii ciidamada ee Shiirkolo oo haatan saldhig u ah ciidamada X.D.S, gaar ahaana qeybta labaad, waxaana halkaasi uu kula kulmay saraakiisha ugu sareysa ciidamada iyaga oo uga warbixiyay xaaladdaha nololeed ee ciidanka, waxayna si gaar ah uga warameen dayactir lagu sameeyey qeybo ka mid ah xaruntan.
Wasiirka ayaa kormeeray ceelel dhowaantan laga qoday xerada iyo dhismayaal si kumeel gaar ah loogu diyaariyay inay ku shaqeeyaan ciidamada, isaga oo sidoo kalena kormeeray madaxtooyadii hore ee Kismaayo halkaas oo iyadana ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa maamulka ee Kaambooniyiinta.
Wasiirka oo markii uu soo gabagabeeyey kormeerka la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in kulamo kala duwan uu la qaatay saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Kismaayo iyo kuwa ciidamada AMISOM, gaar ahaana kuwa Kenya, wuxuuna xusay inay ka wadahadleen arrimo khuseeya amniga iyo iskaashiga ciidan ee labada dhinac, wuxuuna xaqiijiyay in dhowaan uu magaalada Muqdisho soo booqan doono sarkaalka ugu sareeya ee ciidamada Kenya.
Ugu dambeyntii, wasiirka Gaashaandhiga Mudane Fiqi ayaa ammaanay ciidamada kala duwan ee ka howlgala magaalada Kismaayo iyo qeybaha kale ee gobolka, wuxuuna si gaar ah ugu bogaadiyay kaalintii ay ka qaateen xoreynta gobolka J/hoose oo ay kula dagaalameen maleeshiyada nabadiidka ah ee Shabaab. isaga oo u balanqaaday in la qarameyn doono kuwa aan weli la qarameyn, isla markaana loo bilaabi doono si deg deg ah mushaaraadkooda iyo xaquuqdooda kale ee ciidanba. maadaama buu yiri laga qaaday dowladda Soomaaliyeed xayiraadii hubka.

SAM_0585 (2)

SAM_0578 (2)

SAM_0576 (2)

SAM_0538 (2)

SAM_0536 (2)

SAM_0546 (2)

SAM_0557 (2)

SAM_0559 (2)

SAM_0594 (2)

Garad Salad Hersi
Press officer
Kismayo, Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com