Nin Lagu Tuhunsan Yahay Qarax Goor Dhoweyd Ka Dhacay Kismaayo Oo La Soo Qabtay.

0

ciidanka amanka kismaayoKismaayo (AGGM): Ciidanka ammaanka magaalada Kismaayo ayaa xiray nin lala xiriirinayo qarax goor dhoweyd ka dhacay magaalada oo aan wax khasaare ah geysan.

Ilo ku sugan Kismaayo ayaa Bar-kulan u sheegay in ninka la xiray lala xiriirinayo qarax ka dhacay agagaarka madaxtooyada oo lala beegsaday gaadiid dagaal oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dalka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Saraakiil ka tirsan ciidanka ammaanka ayaa sheegay in ninka la xiray uu watay gaari caasi ah oo laga dhex helay waxyaabaha qarxa.

Ciidanka ayaa la wareegay gaariga iyo waxyaabaha qarxa ee saarnaa, oo ay sheegeen in loo isticmaali doono caddaynta dacwadda lagu soo ooganayo ninka.

Toddobaadyadii ugu dambeeyay, ciidanka ammaanka ee Kismaayo ayaa xoojiyay howlgalladooda ka dhanka ah argagaxisada si loo adkeeyo ammaanka guud ee magaalada oo uu ka socdo shirweyne maamul loogu sameynayo gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com