Sheekh Shariif "Dowladda Xasan Sheekh Waxay Heysataa Fursado Aysan Helin Dowladdihii Ka Horeeyay”.

0

sheekh shariifMuqdisho (AGGM): Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo xilka ka degay ka dib markii doorashadii Madaxweynenimo looga guuleystay sannadkii hore dhammaadkiisa ayaa markii ugu horreysay waxa uu ka hadlay xaaladda dalka Soomaaliya, waxa u qabsoomay dowladdii beddeshay dowladdiisa, cunaqabateynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya iyo aqoonsiga la siiyey dowladda Soomaaliya.

Ex. Madaxweyne Sheekh Shariif oo wareysi siiyey wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay in dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh ay heysato fursado aysan helin dowladdiisa, isla markaasna loo baahan yahay inay fursadahaasi uga faa’iideysato dalka iyo dadka Soomaaliyeed, haddii ay ahaan laheyd cunaqabateynta hubka ee laga qaaday iyo aqoonsiga baaxadda weyn leh ee loo fidiyey dowladda cusub ee Soomaaliya.

“Waxaan leeyahay dowladda Xasan Sheekh uu hoggaaminayo haka faa’iideysato aqoonsiga caalamku uu siiyey iyo xayiraadda hubka ee laga qaaday, dowladda cusub ee Soomaaliya markan waxay cagta saartay sida aan aaminsanahay guulo aysan helin dowladihii ka horeeyay ee ay ka mid tahay tii aan hogaaminayey” ayuu yiri Shariif Sh. Axmed oo ku baaqay in loo baahanb yahay in shacabkuna la shaqeeyaan dowladda oo aysan keligeed waxba qaban Karin, madaxda dowladdana looga baahan yahay in ciidamada dhibka ku haya shacabka ay ka celiso.

Hadalka ka soo yeeray Sheekh Shariif ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo dowladda Xasan Sheekh ay aqoonsi caalamka ka heshay, iyadoo sidoo kalena Qaramada Midoobay ay ka khafiifisay xayiraaddii hubka ee saarneyd muddo sanad ah maadaama ay dowladdan tahay mid aan KMG aheyn.

Madaxweynihii hore ee Somalia Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa hadda ku sugan dalka Maraykanka oo uu dhowaan ka bilaabay waxbarasho Jaamacadeed, waxaana Shiikh Shariif lagu xusuustaa dagaalkii Al-shabaab looga saaray Muqdisho iyo degaano ku dhow iyo sidii uu xilka u wareejiyey markii doorashada looga adkaaday .

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com