Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Marwo Fowsiyo Xaaji Oo Maanta Kulan La Qaadatay Gudiga Arrimaha Dibadda Ee Baarlamanka Soomaaliya. *Dhagayso*

0

fowsiyaMuqdisho (AGGM): Guddiga Arrimaha Dibedda Baarlamaanka Soomaaliya iyo Wasiirka arimaha dibadda ahna Raysal Wasaare ku xiggeen Fowsiyo Yusuf Xaaji Aadan ayaa maanta kulan is barasho iyo su’aalo weydiin ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Ugu horeyn Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibedda Fowsiyo Yuusuf ayaa gudiga arimaha dibadda ee Baarlamaanka Soomaaliya waxa ay faah faahin ka siisay qorshaha wasaaradda arimaha dibadda, sida cilaaqaadka Soomaaliya iyo waddamada caalamka, qaab dhismeedka dajinta istaraatijiyadda arrimaha dibedda iyo wada shaqeynta guddiga arimaha dibadda Baarlamaanka iyo wasaaradda.

Sidoo kale xubanah gudiga ayaa waxay su’aalo badan ay hor dhigeen wasiirka, iyadoona Fowsiyo  Yuusuf xaaji Adan ay wajaab ka bixisay dhamaanba su’aalihii ay waydiiyeen gudiga.

Fowsiyo Yusuf Xaaji Aadan Wasiirka arimaha dibadda ahna Raysal Wasaare ku xigeen ayaa warbaahinta la hadashay markii uu soo dhamaaday kulanka ka dib waxayna sheegtay in gudiga ay isku af garteen waxyaabihii ay isla soo qaadeen, waxa ayna sidoo kale tilmaantay in ay joogta noqon doonaan kulamada ay wasaarada arimaha dibadda la qaadan doonto gudiga arimaha dibadda ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka maanta dhexmaray wasiirka arimaha dibadda iyo gudiga arimaha dibadda ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa noqonaya kulankii ugu horeeyey ee ay wada qaataan labada dhinac tan iyo magacaabistii Xukuumadda Soomaaliya.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/03/wasiiradda-arrimaha-dibada-fowsiyo-xaaji-yuusuf1.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com