Wasiirka Adeegga Bulshada Marwo Maryan Qaasim Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabatay.

0

Maryan qaasinMuqdisho (AGGM): Wasiirka wasaaradda adeegga bulshada Xukuumadda Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo labatay iyadoo ka warbixisay kulamo ay qaar ka mid ah dalalka Yurub uga soo qeyb gashay.

Wasiirka wasaaradda adeegga Bulshada Maryan Qaasim Axmed oo maanta dib ugu soo labatay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan wasaaradda adeegga bulshada.

Markii ay ka soo dagtay garoonka ayaa waxa ay la hadashay warbaahinta waxa ayna sheegtay in mudadii ay ku maqneed qaar ka mid ah dalalka Yurub ay kulamo la qaadatay madaxda dowladaha Denmark iyo UK ayna kala hadashay hormarinta waxbarashada dalka Soomaaliya.

Waxa ayna intaasi ku dartay in ay balan qaad ka heshay mas’uuliyiintii ay kulamada la soo qaadatay iyagoona u balan qaaday in ay si buuxdo dowladda Soomaaliya uga  tageerayaan waxbarashada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com