GABAY: Waxaa Loogu Talagalay Gabaygan Bulshoweynta Magaalada Caabudwaaq "Maamulkiina Taabaca".Curiye: Xasan Bulxan Cali.*Dhagayso*

0

xassGABAY: Waxaa Loogu Talagalay Gabaygan Bulshoweynta magaalada Caabudwaaq  “Maamulkiina Taabaca”.Curiye: Xasan Bulxan Cali.*Dhagayso*

  1. In dhoweyd tiraabkii murtida teekalkaw jaraye
  2. Tixahaan wixii igu ceshaan toosh ku shidayaaye
  3. Todobaadkan hawshii dhacdoo taamka loo fuliyay
  4. Taageeradeedaa farxadi ila taraartaaye
  5. Tayo maamulaa lagu helaa taliyo tawfiiqe
  6. Isku tiirsanaan wadajirbaa lagu tanaadaaye
  7. Midigtuba ma taabteen waxqabad keli taloognaw e
  8. Nabaddaa u toolmoon waxaad raadisaan tidice
  9. Meeshii ammaan tuunsan yahay tiigsay aadmiguye
  10. Talaxumadu waa goob colaad tuute loo xirane
  11. Tabtaan jeer ahayn yaan mar kale taako loo noqone
  12. Maamulkiina taabaca horumarkaad tiigsataad heliye
  13. Kuwa jidadka tuuxaynayee baarasho u taagan
  14. Nin masaafur boorsadi tuhmaa seegyay taladiiye
  15. Tif-tif hoose yeeshoo kuwaas jeel halagu tuuro
  16. Qolo-qolo tir-tira waxaa tihiin tawl walaala ahe
  17. Abtirsiga waxaysugu tagtaan oday tafiirtiiye
  18. Kuwo diin ku kala tagay ayay talo midaysaaye
  19. Tar-tan weeye dunidani isfaham lays tammadiyaaye
  20. Federaal ayaa lagu tashaday gobolba taagtiiye
  21. Tiisii kalkaalaa qof kale taarta caawimo e
  22. Mar haddii lagaa tago higsigu waa tab kuu furane
  23. In tusaale wacan aatahaa taa ka khayr badane
  24. Ehlusuno tubtay jeexday mara toobiyaa falane
  25. Ammaankay taseeyeen la dhece kii wanaag tebiye
  26. Idinkuna ku talagala waxqabad taa ka xoog badane
  27. Dadyowgii qurbaha tagay kurtood tacabir weeyaane
  28. Nin walbaa hantidi uu tabcuu tuumin gobolkiiye
  29. Warshaday ku wada taamayaan teedka loo dhigo e
  30. Qaarbaa kambaniyaal taweli taabbagelintoode
  31. Qaarbaa tagaabiyo waxqabad laamiyaal tixiye
  32. Taqaatiir aqoon badan ayaad weli tebeysaane
  33. Iyaguna tubtay soo hayaan wayna tagayaane
  34. Hay’ado tamuuxdaa ayaa tiigsan gobolkiine
  35. Shaqaalahay tereerin ufurin tababar joogtaaye
  36. Haddii aan degaankaa tognayn tookhu waa khalade
  37. Itus oo itaabsii ayaa toosan ficilkiiye
  38. Maah-maah tabtay tiri xigmada taawi fahamkaaga
  39. Ama toos u muuqoo waxqabad muuji tabartaada
  40. Ama tagoo hajoogine maqnaw tuducdu weeyaane
  41. Afartaas tiraabtiyo naxwahaan tiriyay sheeggii dheh
  42. Tusaaliyo wax sheeg aan tolkay tixo ku gaarsiin dheh
  43. Toosid iyo baraarugid waxqabad dhab u tilmaankeed dheh
  44. U tanaasul dano guud mid gaar uga taggeedii dheh
  45. Afarkalana tahniyad aan duri dumarka toolmoon dheh
  46. Tariig muuqda weeyaan habluhu tiir anjabahayne
  47. Tabaalihii lasoo maray kuwii tiirshay wayaga e
  48. Markii qaranku tiginada ruqsaday tooda lagu khayrye
  49. Tumun miiska suuqay tagtoo koriye tawlkiiye
  50. Haddaan hooyo taladaas uqumin tiiha loo dhimaye
  51. Maantana tayeeyoo iyagaa taagay nabadaane
  52. Xubintood ha tuurine ku dara maamul tiradiisa
  53. Qalbi aan turxaan lagu ogayn daacadnimo taama
  54. Naxariista aan abid tirmayn taajir bixintooda
  55. Iyagaa tilmaan uleh naflaha tuuran idilkiiye
  56. Tawfiiqda hoygeeda iyo waa tariig bixiye
  57. Tabiiniyo dadaalbay bulshadi kula tacaaleene
  58. Taariikhdaa sheegtoo warkood lagu tannaagooye
  59. tabantaabi eebow kuwaas  tiirku wayaga e
  60. Haddaan gabayga tu’iyoo murtida teekalka u dhaado
  61. Tolweynaha waxaan kula ballami nabadda taageere
  62. Horukaca tixgeliyoo xagsada lagu tanaad jeere
  63. Talasaarta eeboo cabsidi ha idinku taagnaato
  64. Haku tiiqsan khalad aad ogtahay tarid la’aantiise
  65. Cafis ugu tiraab ruux ku yiri toobo xumahayga
  66. Istaageera jacayl aan tirmayn laabtu hays toyato
  67. Isu tura masaakiinta teba wax u taroo siiya
  68. Ixtiraam tusoo waad ogtiin diintu say tiriye
  69. Culimada taqsiir iyo afxumo hawla tagin jeerna
  70. Tuska caabudwaaq balanballiyo taad dhabbad u aado
  71. Bangeelloo tallaaba u jirtiyo buurta togeheeda
  72. Gellinsoor tirada aan ku daro aricadays tiigso
  73. Dalsan oo dhowaan timid degaan taransi weeyaane
  74. Axmed gurayna taariikh faclaa lagu tilmaamaaye
  75. Intaasoon tirshiyo qaar kaloo tirale weeyaane
  76. Tawfiiq ammaanliyo allow toosi daneheenna
  77. Ilaahow tigaad iyo nasii roob tayiyo khayrle
  78. Tuhun kala shakiya waa xunyee ehelka noo toosi
  79. Isku tiirsanaan wadajirbaan tuugnee nagu caawi
  80. Maamulkana mid aad taqabashoo taam ah kaa barinay.



[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/03/Maamulkiina-Taabaca1.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Curiye:- Xasan Bulxan Cali
Email:- bulxan105@hotmail.com

Isha Ku hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com