Iskutashada Soomaaliyey Iskutiirsanaada.W/Q.Suldaan Ali Abdulahi Hassan

0
suldanDadka Soomaliyeed ayaa mudo 22 sano ah waxay marti u ahaayeen bur-bur,boob,bililiqo,barakac,iyo weliba baylah siyaasaded oo kadhalatay kadib bur-burkii kuyimid Qarankii Xooga lahaa ee Soomaliya.Qofkasta oo soomali ah wuxuu Xasuustaa sida ay dhibaatadu u dhacday balse waxaa kamaqan sidii loo xalin lahaa loogana bogsan lahaa wixii dhacay.
 
Soomalidu waxay u badantahay xiligaan laba qaybood qayb ku kortay dhibaatada iyo bur-burka iyo qaybta kale oo ah kuwa jilayaasha ka ah dhibaatadaas,waxaana badan kuwa ku koray dhibaatada oo aan maanta laga fur-furi karin dawlad beeled, Ciidan-beeleed, Siyaasad-beeleed. Hadaba si xal-loogu helo arimaha murugsan waa in lahelaa muwaadiniin soomali ah kana damqanaya dhibaatada gaartay sharaftii ummadnimo ee ay soomalidu kudhex lahayd beesha caalamka.
 
Marka aad maqasho ciidamada Ethiopia ayaa kabaxay degaano ay gacanta kuhayeen,waxaana lawareegay kuwa Alshaba,waxayna kudileen halkaas dad badan oo rayid ah, macnaheedu sow ma noqonayo in shacbiga soomaliyeed ay Ilaalinayaan Ciidamada Ethiopia kana ilaalinayaan kuwa Alshabaab. Xikmad Soomaliyed ayaa waxay ahayd Col kudhac Tuugo kuuciidamisay, waxaana taas lamid ah Weer ari raacay oo soonabad hooyey weligay maarag.

Waxaana qormadeena kusoo qaadanaynaa inaan isku tashano Ciidan Qaran dhisano,Baarlamaan,Qaran doorano, iska Tuurno Siyaasada Beelaha kudhisan,dhanka kale aan u sheegno walaalkeena arintan kudhex barbaaray inay jirto mid ka Xoogbadan tan beeshiisa ayna tahay mida Qaran soomaliyed oo awood leh.
 
  Hadaynaan istaakulin Tabaryeelan maynee Kashada cadaawohoo isku tiirsanaadaa.

Arinta dadka soomaliyeed waxaa maanta dawo looga dhigi karaa oo keliya iskaashi garasho fiican leh,waxaa kale oo Iyaduna dawo qaali ah noqon lahayd isku tanasul dhanka siyaasada ah,waxaana xiligan baahi looqabaa wadani aan Kabiqin, arintu halka ay la,dahay tilmaantiisana kusheega cod-dheer. Bulshada soomaliyeedna waxaa lagudboon inay Gacansiiyaan shaqsiyaadka dareenka wadaniyada ku adeegaya ayna iska tuuraan kuwa beelaha u adeegaya.
   
DALKA & DADKUBA WAXAY BADBAADIN KARABAAN WADANIGA DHIIRAN.

Suldaan Ali Abdulahi Hassan

Sweden Västerås