Xog Xasaasi Ah: Maxaa Sababay In Kiiniya Faraha Kala Baxdo Tageerada Raaskambooni & Axmed Madoobe?

0

Ahmed_Madoobe iyo kenya1Xukumadda dalka kiinaya ayaa maalmihi la soo dhaafey Ururka Raaskambooni ku wargelisay inay dawlada soomaaliya kala tashado maamul u sameynta degaanadaasi isla markaasna aysan raaskambooni dawlada kiiniya ku tageersaneyn inay maamul aysan la socon dawlada soomaliya laga sameyo gobolka jubadda hoose.

Hadalkan ayaa yimid ka dib markii dawlada Kiiniya ay cadaadis kala kulantey dawlada Itoobiya iyo Mareykanka oo sheegey inaan la aamini karin ururka raaskambooni oo ay ku tilmaameen inay xiriir la leeyihiin kooxaha islaamiyiinta ah ee ka dagalama gudaha soomaaliya.

Mareykanka iyo itoobiya ayaa xukumadda Kiiniya ku cadaadiyey inay faraha ka laabato tageerada hub iyo saanad ee ay siiso ururka raaskambooni,waxaana dawladahaasi dawlada Kiiniya ku wargeliyeen inay ku ekaato Hawlgalka nabad ilaalinta ee ah ku joogto gudaha soomaaliya.

Cadaadiskaas ka dib waxaa dawlada kiiniya Magaalada Nairobi kula kulantey maalmihi la soo dhaafey Shiikh Axmed Islaam ( Axmed Madoobe) magaalada nairobi,waxaana dawlada kiiniya si cad ugu sheegtey inaysan tageereyn kuna garab siineyn maamul laga dhiso Jubooyinka aysan dawlada soomaaliya ka war hayn,waxaana ay ku war geliyeen inuu dawlada soomaaliya arrimahasi la kaashado.

Beesha caalamka iyo wadamada deriska ahi waxay tuhun baaxad leh ka qabaan Raaskambooniyiinta,waxaana ay dawlada itoobiya ka cabsi qabtaa in hadii Maamul madax uu ka yahay Axmed Madoobe laga dhiso degaanadaasi ay halis ku tahay dawlada itoobiya iyagoo ka cabsi qaba inay tageerayaan kooxaha ka soo horjeeda dawlada itoobiya.

Dhinaca kale waxaa dawlada mareynkanku toos u shaacisay inuu Axmed Madoobe yahay nin aan la aamini karin isla markaasan wajiyo badan,waxaana dawlada mareynkanku dawlada Kiiniya si cad ugu sheegtey inaysan aqbali doonin in Ururka raaskambooni taako soomaaliya ka tirsan maamulaan.

Dawlada Kiiniya waxay Axmed Madoobe si sarbeeb ah ugu wargelisayn in isbedel xukumadeed ka dhacay wadanka kiiniya isla markaasna hawlgalkooda soomaaliya uu ahaan doono mid la mid ah kan ciidamada Amisom ka wadaan gudaha soomaaliya oo ay tallada ka qaadanayaa dawlada soomaaliya,sidaas darteed waxay si cad u sheegeen Axmed Madoobe inuu dawlada soomaaliya u hogaansamo.

Gebagabadii waxaa cadaan ah in Wadamad deriska ahi go,aan cad ka qaateen Shiikh Axmed Madoobe iyo ururkiisa Raaskambooni,waxaana dawlada soomaaliya wadamada deriska ah iyo Beesha caalamku kula talisay inay ciidamo dheeri ah geeyaan gobollada jubooyinka si kooxda Alshabaab looga sifeeyo degaanadaasi.

Ahmed Aadam Gacal
Addis Ababa,Itoobiya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com