R/wasaare Saacid Oo Bilowga Toddobaadkan Soo Socda Booqanaya Magaalada Kismaayo.

0

IMG_3102 (2)Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in bilowga toddobaadkan soo socda la filayo in R/wasaaraha Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) uu booqdo magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka J/Hoose.

Booqashada R/wasaaraha iyo wafdigiisa balaaran oo lugu  wado bilowga toddobaadkan soo socda inay ku tagaan magaalada Kismaayo ayaa waxaa qabanqaabadeeda si xoowli ah ay uga socotaa loogana hadal hayaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka guud ee magaalada Kismaayo, waxaana gabi ahaan sugida amaanka magaaladaasi la wareegay ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa AMISOM, halka maleeshiyada raaskambooni leeysugu geeyay meel magaalada u jirta 13 km.

Dhinaca kale Guddoomiyaha guddiga farsamadda ee shirka fashilmay ee maamul u samaynta Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo Macalin Maxamed Ibrahim ayaa  sheegay in maalinta Sabtida ah in uu magaaladda Kismaayo imaan doono wefdi balaaran oo uu hoggaaminayo R/wasaaraha Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Macalin Maxamed Ibrahim ayaa sidoo kale sheegay in uu R/wasaaraha booqon doono xarunta ay ku sugan yihiin ergooyinka ka qayb galaya shirki fashilmay ee lugu dhisayay maamulka Jubbo-land kaasi oo xiligaan hakad ku yimid iyo khilaaf ba’an oo hareeyay kadib marki la ogaaday ergooyinka qaarkood inaysanba ahayn kuwa matali kara bulshooyinka ay sheeganayaan.

Guddoomiyaha ayaa isaga oo sii wata  hadalkiiisa sheegay in imaatinka R/wasaaraha looga goleyahay soo afjarida  khilaafka ba’an ee hareeyay Guddiga maamul samaynta iyo Dowladda Soomaaliya.

Isku soo wada duuboo R/wasaaraha Soomaaliya ayaa tan iyo intii la magacaabay waxaa uu booqasho ku kala bixiyay gobolada qaar kamid ah gobolada dalka sida, Shabeelaha hoose,Hiiraan,Galguduud,Nugaal iyo Mudug  goboladaas qaarkood ayaa xukuumada Soomaaliya usoo sameeysay maamulo KMG ah, booqashada R/wasaare Saacid ee gobolka Jubadda hoose ayaa noqonaysa markii ugu horaysay ee uu booqdo tan iyo marki uu qabtay xilka R/wasaarenimo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com