Maxaad Kala Socotaa Farqiga U Dhexeya Al Shabaab & Raaskambooni ?

0

Ahmed_Madoobe iyo kenya1Jabhadda Raaskambooni sida la wada ogsoon yahay waxay soo martey wajiyo  badan oo kala duwan kuwaasi oo salka ku hayey danno gaar ah oo diinta islaamka loogu gabanayo isla markaasna qaab qabiil loo adeegsanayo.

Maqaalkan waxaynu dooneynaa inay maanta diirada ku saarno hab-dhaqanka iyo qaababka ay iska shabahaan Alshabaab Iyo Xarakada Raaskambooni oo hadda ku sugan qaybo ka mid ah magaalada kismaayo Iyo sidoo kale oo walaac beesha caalamku ka qabto Raaskambooni.

Qaababka ay iska shabahaan Alshabaab Iyo Xarakada Raaskamabooni waxaa ka mid ah:-

  • Dilalka Qarsoodiga ah ee lala beegsado cid kasta oo ka soo horjeeda mabda,a Raaskambooni.
  • Qaababka loo abaabulo Qaraxyadda Ismiidaaminta ah.
  • Hab Dhaqanka loo soo jiito dhalinyarada  iyadoo loo adeegsnaayo qaab qabiil ama qaab diimeed oo marin habaabsan.
  • Qaabka loo fuliyo weerarada bam-gacmeedyada ah.
  • Qaababka Gowraca loogu adeegsado cid kasta oo ay diidan yihin inay faafiyaan mabda,a ay aamisan yihiin.Al Shabaab  iyo Raaskambooni labaduba waxa ay cadow iyo qatarba ku yihiin jiritaanka Qaranimada Soomaaliya, waxa ayna u adeegaan fikirka dowladdo iyo dadyow kale.

Waxaa jira qaabab badan oo kale oo ay iska shabahaan Xarakada Alshabaab iyo Xarakada Raaskambooni. Maamulka Raaskambooni ee hadda ku sugan magaalada Kismaayo qaybo ka mid ah iyagoo gacan ka helaya Ciidamada wadanka Kiiniya ay gudaha magaalada kismaayo ka fuliyeen dilal qorsheysan kuwaasi oo ay u geysteen rag aqoon yahano iyo nabadoono isugu jirey kuwaasi oo ay u arkayeen inay ka soo horjeedaan aragtidooda.

Masuulka ugu sareya Alshabaab Shiikh Axmed Islaan ( Axmed Madoobe ) waa nin si weyn looga yaqano guud ahaan wadamada deriska ah iyo gudaha soomaaliya,waxaana loo yaqaan nin aan aaminaad lahayn isla markaas marba dhinaca uu doono tageera,waxaana u hore uga tirsanan jirey Midawgii Maxkamada islaamiga ah,waxaana uu markii dambe u degel rogtey ururadda Alshabaab,Xisbul islaam iyo Raaskambooni.

Xilligan lama yaqaan cid uu tageersan yahay ilaa iyo hadda Shiikh Axmed Madoobe,waxaana ciidamadiisa iyo ciidamadda dawlada soomaaliya oo kala shakisan ku wada sugan gudaha magaalada kismaayo iyagoo hadda ka hor ku dagaalamay.

Si kastey ahaataba waxaa soo badanaya eedeymaha loo soo jeedinaya Maamulka Raaskambooni ee ku sugan gobolka Jubadda hoose gaar ahaan magaalada kismaayo kuwaasi oo la sheegey inay ku dhaqmaan qaababka ay ku dhaqmaan Alshabaab.

Daahir Faarax Muuse
Oslo,Norway

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com