Soomaaliya Oo Qorsheyneysa In Ay Ka Mid Noqoto Guddiga Xuquuqul Insaanka QM.

0

Shamsul-Baari1Muqdisho (AGGM): Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdiisa ahmiyad gaar ah oo weyn siin doonto dhowrista iyo ilaalinta xuquuqda aadannaha.

Madaxweynaha ayaa hadalkan jeediyay kadib markii uu kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho Dr Shamsul Baari oo ah khabiir madaxbanaan oo QM u qaabilsan la socoshada arrimaha xuquuqul Insaanka.

Xassan Sheekh Max’uud waxaa uu sheegay in dhowrista xuquuqda aadannaha ay ka dhax muuqan doontoo dhamaan shaqada dowladda wuxuuna tilmaamay in ay u taagan yihiiin hormarinta dadka danta yar sida haweenka, carruurta, baarakacayaasha iyo qaxootiga oo uu sheegay in ay diyaarinayaan qorshayaal lagu taageerayo wuxuuna tilmaamay in dhowrista xuuuqda aadannaha ay tahay in la garab istaago dadka daagta daran.

Waxaa uu intaa ku darray in dowladda Soomaaliya ay wado qorshe ay isugu fidineyso dhamaan deegannada gobollada dalka Soomaaliya ee hadda gacanta ugu jira maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab si loo gaarsiiyo adeegyada lagama maar-maanka u ah bulshada.

Ugu danbeytii madaxweyne Xassan Sheekh waxaa uu sheegay in dowladdu dadaal dheer u gali doonto sidii ay uga mid noqon laheyd guddiga xuquuqul Insaanka QM iyadoo wadajir loo wada shaqeynayo.