Dowladda Kenya Oo La Sheegay Inay Ku War Gelisay Gudiga Farsamada Maamul U Sameynta Jubbooyinka In Ay Dowladooda Ku Xirmaan Lana Shaqeeyaan.

0

kenya flagMuqdisho (AGGM): Warar horu dhac ah oo goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in ay dowladda Kenya ku war gelisay xubnaha Guddiga Farsamada Maamul u Sameynta Gobolada Jubbooyinka in ay ku xirmaan lana shaqeeyaan dowladda dhexe ee Federaalka Soomaaliya.

Xubnahaan oo intii muddo ahba u dhaxeeyay Kismaayo iyo Nairobi, ujeedooda ugu weyna uu ahaa sida ay sheegaan in ay hormuud ka noqdaan maamul goboleed la magac baxay Jubbaland ayaa waxaa ka hor yimid caqabad culus, kaddib markii ay qorshaha ay wataan si weyn uga hor yimaadeen inta badan bulshada ku dhaqan gobolada Jubbooyinka iyo dowladda dhexe ee Federaalka Soomaaliya.

Wararka ayaa waxay kaloo sheegayaan in shirkii maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka ee bishii dhamaatay ee February 28, 2013 ka furmay magaalada Kismaayo in uu qarka u saaran yahay in uu bur-buro, haddii aanan loo helin qorshe ay inta badan bulshada Jubbooyinka iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya raali ka yihiin oo si wada jir ah looga wada howl galo.

Warka kale ee isna xiisaha leh ayaa waxuu yahay, in kaddib markii sida la sheegay ay Kenya go’aan ku gaartay in xubnaha la magac baxay Guddiga Farsamada Maamul u Sameynta Gobolada Jubbooyinka ay iska xaadiriyaan dowladda dhexe ee Soomaaliya, isla markaana wixii hadda ka danbeeya ay iska iloobaan in ay dhismaha maamul u sameynta Jubbooyinka u daba fadhiistaan Kenya, ayaa waxaa isla shalayba bilowday qorshe socdaal oo ay xubnaha Guddiga Farsamada doonayaan in ay ugu safraan Muqdisho si ay dowladda dhexe ee Federaalka Soomaaliya wada hadalo ugala soo yeeshaan farsamada ugu fiican ee loo dhisi karo maamul goboleedka Jubbaland.

Wixii akhbaar ah ee arrintaan kusoo kordha kala soco wararkeena danbe.

Cabdi Faarax,
Muqdisho/Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com