QM Oo Cambaareysay Weerarkii Ismiidaminta Ahaa Ee Shalay Ka Dhacay Muqdisho.

0

Mahiga, United Nations Special Representative for Somalia addresses a news conference at the United Nations offices at Gigiri in Kenya's capital NairobiMuqdisho (AGGM): Wakiika gaar ah ee xog-hayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha siyaasada Soomaaliya Mr Augutine Mahiga ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maalintii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

War-saxafadeed laga soo saaray xafiiska ergeyga QM ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in QM siweyn uga xun yihiin weerarkii shalay ka dhacay maaalada Muqdisho iyo dadkii rayidka ahaa ee ku dhintay weerarkaas.

Waxaa uu sheegay in weerarkii shalay ka dhacay Ex Fiyoore uu ahaa mid aan la aqbali karin, isaga oo sheegay in dowladda Soomaaliya iyo shacabka looga baahan yahay in ay iska kaashadaan sidii looga hortagi lahaa kooxaha agagixisada.

Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maalintii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa inta la og-yahay waxaa ku naf-waayay ama ku dhintay in ka badan 10 ruux halka 30 ruux ku dhawaadna ay ku dhaawacmeen.

Ugu danbeytii war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ergeyga QM ee Soomaaliya ayaa guud ahaan waxaa lagu cambaareeyay falalka waxuushnimada ah ee lagu wax yeeleynayo dadka rayidka ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com