Hay’adda Nabad-sugida Soomaaliya "Dagaal Xaq Ah Ayaa Nagala Dhaxeeyo Falaagada Al Shabaab.*Dhagayso*

0

fiqiMuqdisho (AGGM): Kadib weerarkii Ismiidaaminta ah ee maalintii shalay lala beegsaday taliyaha ciidamada nabad-sugida dowladdda Soomaaliya, ayuu sheegay agaasimaha hay’addaha nabad-sugida Axmed Macalin Fiqi in hay’addiisa iyo Al-shabaab uu ka dhaxeeyo dagaal xaq ah.

Mar uu warbaahinta kula hadllayay magaalada Muqdisho agaasimaha hay’adda nabad-sugida waxaa uu sheegay in Al-shabaab ay cadeysteen in aysan marnaba dooneynin nabad, sidaa daraadeed taa badalkeeda ka doorbideen in ay laayaan shacabka Soomaaliyeed.

“Al-Shabaab waa niyad jabeen, waana jabeen, nabad ka dhalata Soomaaliya ma doonayaan, Hey’adda Nabadsugida iyo Al-Shabaab waxaa ka dhaxeeya dagaal xaq ah, dhankoodana uu xaq daro ka yahay, anagana xaq ka yahay”ayuu yiri Mudane Fiqi.

Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay waxaa ku nafwaayay 10 ruux oo rayid ah halka in ka badan 30 ruux uu dhaawac culus ka soo gaaray, waxaana dadka ku dhaawacmay ka mid ahaa taliyaha hay’adda nabad-sugida.

Waxaa uu sheegay agaasimaha hay’adda nabad-sugida in weerarkii shalay fuliyeen labo ruux oo gaariga wada saarnaa, waxaana uu intaa raaciyay in weerarkooda uu ahaa mid fashilmay.

‘’Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay ciidamada nabad-sugida ku gacan siiyaan sidii looga adkaan lahaa kooxahaas cadawgga ah ee doonaya in ay shacabka baabi’iyaan,’’ ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

Al-Shabaab oo sheegatay weerarkii is miidaaminta ayaa ku tilmaamtay mid ay si aad ah uga soo shaqeeyaan, isla markaana uu weerarkaas fuliyay mid ka mid ah guutooyinka u qaabilsan is qarxinta ee loogu yeero Istish-haadiyiinta.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/03/Eng-Axmad-Macalin-Fiqhi-agaasimaha-heyada-nabad-sugida-qaranka-.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com