War Saxafadeed: Ra’iisul Wasaaraha Oo Cambaareeyay Qarixii ismiidaaminta Ee Maanta Ex-fiyoora.

0

SAACID MIC SAXMuqdisho (AGGM): Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa si kulul u cambaareeyey qaraxii maanta kooxaha nabad diidka ahi la beegsadeed xarunta Ex-Fayora ee degmada Xamerweyne.

Qaraxaan ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay 10 qof ayadoo dad gaaraya 15 ay ku dhaawacmeen. Qaraxan ayaa ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama gaar ahaan ex-Fayora kuna dhagan xarunta Tiyaatarka Qaranka. Waxaa lala beegsaday baabuurtii wadada maraysan ayadoo khasaraha ugu badana uu gaaray dad rayid ah oo saarnaa bas rakaab ah oo marayay goobtaasi.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxii maanta uu ahaa kii ugu xumaa in mudaa isagoona ku tilmaamay xasuuq loo gaystay shacbi Soomaaliyeed oo an waxba galbsan.

“Aad ayaan u cambaaraynaynaa falkaas gumaadka ah, waa wixii lagu yaqaaney kuwa nabad diidka ah, ee gumaada shacbiga Soomaaliyeed. Waxaan u tacsiyaynayaa dhamaan ummada Soomaaliyeed, anoo si gaar ah u tacsiyaynaya ehelada iyo qaraabada intii ku dhimatay iyo qof kasta oo wax ka soo gaareen,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha

Ugu dambayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay ciidamada amniga inay habeen iyo maalin u soo jeedaan siday shacabka uga difaaci lahaayeen dhagar qabayaashaas.

—DHAMAAD—

Ahmed Adan

Madaxa Xafiiska Warbaahinta
Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com