Falaagada Al Shabaab Oo La Wareegay Gacan Ku Haynta Deegaanka Oow-Diinle Ee Gobollka Bay.

0

alshababBaydhabo (AGGM): Kadib dagaal culus oo galinkii danbe ee shalay ku dhaxmaray deegaannka Oow-diinle ee duuleedka magaalada Baydhabo ciidamada dowladda iyo Al-shabaab, ayaa lagu waramayaa in maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab kula wareegeen gacan ku heynta deegaannkaas.

La wareegista deegaannka Oow-diinle oo u dhaxeeya degmooyinka Baydhabo iyo Bardaale, ayaa waxaa ay sii kordhineysaa xiisadaha dagaal ee ee ka taagan degaannada gobollada Bay iyo Bakool.

Dagaallka labada dhinaca ku dhaxmaray Oow-diinle ayaa inta la og-yahay waxaa ku dhintay dad tiradoodu gaareyso ilaa sagaal ruux oo dhinacyadii iska horyimid ka mid ah, mana jiro wax war ah oo ay mas’uuliyiinta gobollka Bay ka soo saareen dagaallkaas.

La wareegista Oow-diinle ayaa ku soo beegantay kadib markii ay shalay Al-shabaab dib ugu laabteen degmada Xudur oo ay isaga baxeen ciidamad dowladda iyo kuwa Itoobiya oo mudo sanad ah gacanta ku hayay.

Guddoomiyaha gobollka Bay Cabdi Aadan Hoosoow ayaa dhawaan ku hanjabay in ay la wareegi doonaan sida uu hadalka u dhigay dhamaan deegaannada ay Al-shabaab kaga sugan yihiin gobollka Bay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com