Soo Jeedin Qodobo Xal U Noqon Kara Maamul U Sameynta Gobolada Jubbooyinka (Akhri Aragtida Aden Colujoog).

0

aden 111Sida aan qoraalkeygii hore  ku xusayba, waxaa muuqata in deegaanada Jubbooyinka ay gacmo bateen oo ay faraha kula jiraan Dowladda dhexe ee Federaalka Soomaaliya, kuwo shisheeye, maamul goboleedyo, Ururo, iyo kooxo dano gaar ah leh (interest groups), kuwaasoo dhamaantood siyaabo kala duwan ugu howlan sidii ay u gaari lahaayeen danaha ay Jubbooynka ka leeyihiin.

Bulshada ku dhaqan reer Jubbaland oo u muuqda in u xaalkoodu kusoo aruuray sidii ninkii yiri ”aniga hadba ninkii hooyadey guursadaa ii adeer ah,” ayaa si weyn ugu kala qeybsan fekradaha ay kala wataan dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo kan Guddiga farsamada maamul u sameynta Jubbooyinka.

Waxaa kaloo jirta in arrimaha cakiran ee Jubbooyinka ay sii murjinayaan shaqsiyaad aan xilkas aheyn oo mar walba ku mashquulsan garaacidda durbaan qabiil iyo mid colaadeed, kuwaasoon ogeyn qiimaha ay leeyihiin qaranimo iyo nabad ku wada noolaashaha.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyada oo ka faa’ideysaneysa isfahan waaga siyaasadeed iyo kan dhaqan ee u dhaxeeya qaar ka mid ah bulshada Jubbooyinka waxay ciyaareysaa siyaasad aan dheeli tirneyn ama dhex-dhexaad aheyn (double standard policy), taasoo laga yaabo haddii aanay dhaqsiyo u cadeyn mowqifkeeda ku wajahan gobolada Jubbooyinka in ay ku fashilanto gebi ahaanba hogaaminta dalka Soomaaliya.

Sababa jira awgood, inkastoonan ku qanacsaneyn qaadashada iyo ku dhaqanka “Federalism-ka”, haddana waxaan rumeysnahay haddii la raaco qodobada soo socda in ay sahlanaan doonto dhismaha maamul goboleedka Jubbaland, isla markaana ay meesha ka bixi doonto mugdi-mugdiga soo kala dhex galay dowladda dhexe iyo qaar badan oo ka mid ah bulshada ku dhaqan Jubbooyinka.

Qodobada aan xalka u arko waa kuwaan hoose:

1.  Mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee Kismaayo iyo xubnaha Guddiga Farsamada waa in ay aqbalaan gogosha ay dowladda dhexe u fidisay, si looga wada hadlo dariiqa ugu fudud ee loo dhisi karo maamul goboleedka Jubbaland, isla markaana ay ku qancaan in wadada kaliya ee uu maamulka Jubbaland ku dhismi karo uu yahay rabitaanka shacabka reer Jubbaland oo mid ah, iyo dowladda dhexe oo loo ogolaado doorka ay ku leedahay dhismaha maamulka.

2.  Mas’uuliyiinta gobolka Gedo ee ku kala argtida duwan wadada loo marayo dhismaha maamulka Jubbaland waa in ay shirweyne wada tashi isugu yimaadaan gudaha gobolka gedo, si loo soo af jaro wixii qilaf siyaasadeed ah ee jira, dabadeedna si wada jir ah looga qeyb qaato qorshaha dhismaha maamul goboleedka Jubbaland.

3. Qorshe-yaasha labada ah ee sare markii ay hergalaan, waa in lagu xijiyo shirweyne wada tashi oo ay kasoo qeyb galayaan dowladda dhexe ee Soomaaliya, siyaasiyiinta iyo oday dhaqameedyada Jubbooyinka, ayada oo gogoshaasna la dhigaayo gudaha magaalada Kismaayo ama gobolka Gedo hadba tii loo garto.

4.  Qorshaha wada hadalka iyo wada tashiga loogu gogol xaarayo dhismaha maamul goboleedka markii uu dhamaado, si buuxdana loogu heshiiyo maamul u sameynta Jubbooyinka, waa in loo gudbo sidii si wada jir ah loogu dhisi lahaa maamulka Jubbaland.

5.   Si kastaba ha’u kala feker duwanaadeenee, maadaama ay cadahay bulshada ku dhaqan saddexda gobol ee Jubbada Sare (Gedo), Jubbada Dhexe, iyo Jubbada Hoose in ay heshiis ku yihiin in ay si wada jir ah u dhistaan maamul goboleedka Jubbaland, waa in aanay marnaba dowladda dhexe isku dayin in ay rabitaanka shacabka goboladaas wax ka bedesho.

6.  Waa in aanay mudada qaban-qaabada iyo dhismaha maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka ka badnaan 6 bilood oo ka bilaabmeysa marka ay hergalaan shirarka aan ku kala xusay qodobada sare ee 1, 2, 3 & 4.

7.  Ayada oo la tix gelinayo heshiiskii dhawaan ay dowladda dhexe iyo maamul goboleedka Puntland ku kala saxiixdeen Garoowe Qodobkiisa 4aad, farqadiisa 4.1 ee ka hadlaya “SAMAYNTA DOWLADAHA FEDERAALKA KA MIDNOQONAYA” iyo Qodobka 6aad, farqadiisa 6.1 & 6.2 ee ka hadlaya ” ISU CELLINTA HANTIDA LA HAYSTO”, waa in sida si ugu dhaqsiyo badan ay dowladda dhexe u magacowdo Guddi heer Qaran ah oo madax banaan go’aamadiisuna yeeshaan awood fulineed. (Halkaan Guji si aad u akhriso heshiiska dhaxal galka ah ee dhawaan Garoowe ku dhex maray dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedka Puntland)

8. Maadaama waajibka ilaalinta danta guud ee Qaranka Soomaaliya ee gudo iyo dibadba ay u xil saaran tahay Dowladda dhexe ee Federaalka Soomaaliya, waa in ay dowladda Kenya kala hadasho in ay ka dayso fara gelinta ay ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya oo ay ku ekaato adkeynta amniga goobaha ay ku sugan yihiin, isla markaana ay ka amar qaadato hogaanka sare ee AMISOM.

9.  Dowladda dhexe ee Soomaaliya waa in ay ogaato in indhaha caalamka iyo kuwa Soomaalidaba ay kusoo jeedaan oo la eegi doono qaabka ay u wajahdo xalinta mushkiladda maamul u sameynta Jubbooyinka oo laga yaabo in ay noqoto mustaqbalka furihii midnimada ama kala tagga inta wali wada joogta ee dalka Soomaaliya.

Aden A. Colujoog
Madaxa Ururka East African Development Organization (Eastado)
adencolujoog@yahoo.com

————————-

Hoos ka akhri qoraalo hore oo uu Colujoog uga hadlayay maamul goboleedka Jubbaland iyo qaar ka mid ah nidaam dowladeedyada adduunka ka jira:

Yaa hor taagan dhismaha maamul goboleedka Jubbaland?

Farqiga u dhaxeeya nidaam dowladeedyada “Republic” iyo “Democracy”

Soomaaliya waxaa waajib ku ah in ay barato farqiga u dhaxeeya nidaamka ay qaadatay ee Democracy iyo kan ay ka guurtay

Madaxa Ururka Eastado oo soo dhaweeyay dhaq-dhaqaaqyo la rabo in looga qeyb qaato maamul goboleedka Jubbaland

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com