Eeyo Xanuunsan Oo Todobo Ruux Ku Dhaawacay Degmada Xamar-Jajab Ee Magaalada Muqdisho.

0

eeyoMuqdisho (AGGM): Inta la og-yahay ilaa todobo ruux oo isugu jiray caruur iyo dad waaweyn ku dhaawacmay degmada Xamar-Jajab kadib markii ay weerar ku qaadeen Eeyo sida la sheegay xanuunsanaya.

Wararku waxa ay sheegayaan in dadka dhaawacmay qaarkood xaladoodu tahay mid aad u culus iyagoo aan weli helin wax dawooyin ah, waxaana weerarradan oo ahaa kuwo is-daba joog ah ay dhaceen labadii casho ee lasoo dhaafay.

‘’Raxan Eeyo ah oo ordaya ayaa mar kaliya guriga iigu soo galay, waan la dagaalamay, ugu dambeyn aniga ayay gacanta bidix iga qaniineen, balse caruurta waan ka badbaadsaday,” ayay tiri haweeney xaamilo aheyd oo ka mid ah dadkii ay Eeyuhu soo weerareen,

Qof kale oo dumar ah ayaa sheegtay in in wiil ay dhashay ay eeyuhu ku weerareen meel dibadda ka ah gurigooda ayna ka qaniineen garabka midig, iyadoo sheegtay in xaaladdiisu ay aad u daran tahay ayna mararka qaarkood qabanayso qandho.

Oday ka mid ah dadka deegaanka ayay sidoo kale eeyuhu dhaawaceen iyadoo la sheegay in eeyahan ay yihiin kuwo qaba cudurka halista ah ee raabiyada loo yaqaan, kaasoo dhaliyay waalli.

Dhibbanayaasha ayaa sheegay inay weli helin dawooyin, iyadoo aanay jirin wax hadal ah oo arrintan ay kasoo saartay dowladda Soomaaliya iyo weliba wasaaradda caafimaadka dalka oo ka mid h wasaaradda horumarinta adeegga bulshada.

Qaniinyada Eeyaha xanuusan ee cudurada qaba aya waxaa siweyn ugu deyriyay dhaqaatiirta Soomaaliyeed, kuwasoo sheegay in dadka ay wax yeeleeyaan adag tahay in dawo looga hello dalka gudihiisa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com