Wafdi Xildhibaanno Ah Oo Gaaray Baydhabo.

0

Baydhabo27Baydhabo (AGGM): Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo gaaraya 26 mudane ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Baay iyo qeybaha bulshada.

Xildhibaannada ayaa sheegay inay u kuurgalayaan xaaladaha siyaasadda, ammaanka iyo dhaqaalaha ee gobolka, waxayna kulan la qaateen qeybaha kala duwan ee bulshada .

Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow ayaa xildhibaannada u sheegay in ammaanka gobolka uu wanaagsan yahay, isla markaana ay gacanta dowladda ka maqan yihiin oo keliya degmooyinka Diinsoor iyo Ufurow.

Wafdi xildhibaannada ah waxaa hoggaaminayay guddoomiyii hore ee baarlamaankii kumeel gaarka ahaa ee Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com