Midowga Yurub Iyo Golaha Amaanka Oo kulan Gaar Ah Ka Yeeshay Arrimaha Soomaaliya Iyo Howlgalada Ciidamada AMISOM.

0

golaha-amaankaNew York (AGGM) Kulan si wada jir ah ugu dhexmaray Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay iyo ururka  Midowga Yurub xarunta Golaha Amanka ee ku taalo New York, ayaa waxa si weyn la isugu soo hadal qaaday Sida labada dhinac waa Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub iskala shaqeyn karaan hormarinta holwgalka AMIOSM ee ka socda Soomaaliya.

Kulankaasi oo uu shir gudoomiyay Madaxa Golaha amaanka ee xiligan,waxaa ka qeyb galay  Mas’uuliyiin ka tirsan Miodwga Yurub oo kulanka qudbado ka jeediyay khudbadahaasi oo u badnaa gacansiinta iyo ku dhiiragilinta Ciidamada AMISOM la dagaalanka Al-shabaab iyo sidii loo sugi lahaa amaanka goobaha Al-shabaab lagala wareego  ayaa labada dhinac Waxay si wada jir ah u soo dhaweeyeen ugu horeyn qaadista cuanqabateynta hubka iyo gobolada dalka Soomaaliya ee ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM la wareegeen .

Wafdiga ka socday guddiga golaha ammaanka iyo Siyaasadda ee Midowga Yurub waxay kaloo la kulmeen Xoghayaha Guud QM, Ban ki-moon, Ku-xigeenkiisa, Jan Eliasson,waxayna ka wadahadleen  sidoo Soomaaliya loo gacan qaban lahaa oo looga taageerilahaa dhinac walba oo xiligan u baahan yihiin shacabka iyo xukuumada Soomaaliya.waxaana hadal ay labada dhinac si wadajir ah u soosaareen lagu sheegay in Qaramada Midoobay iyo Midwga Yurub ay si wada jir ah u taageerayaan Soomaaliya,iyagoo insha ku haya hadba xaaladda Soomaaliya sida ay tahay.

 Isha Ku Hay Allgalgaduud
allgalgaduud@gmail.com