Sheekh Al Qaadi Oo Jawaab Wadnaha Gooysay Ka Bixiyay Hadalki Gen. Fartaag Iyo Kooxdiisa Ku Sugan Doolow.*Dhagayso*

0

qaadiGarbahaareey (AGGM): Sheekh Max’ed Xuseen Isaaq Al Qaadi isaga oo ku sugan magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo ayuu wareysi waxa uu siiyay idaacada BBC-da laanteeda afka Soomaaliga waxa uu jawaab wadnaha gooysay  ka bixiyay hadalkii maanta kasoo yeeray Gen. Fartaag Iyo Kooxdiisa Ku Sugan Doolow.

Illaa hadda dadka caqliga leh amaba u dhashay gobolka Gedo ayaa waxa ay isweeydiinayaan maxaa ka qaldan Gen. Fartaag iyo kooxdiisa ku sugan magaalada Doolow ee gobolka Gedo, waatii lagu shirayay 4 maalmood magaalada Garbahaareey ayna odoyaaasha iyo saraakiisha dowladda go’aamo leeysku raacay kasoo saareen’e.

Gen. Fartaag ayaa waxa uu sheegay in Gudoomiyaha gobolka Gedo uu ku sugn yahay magaalda Kismaayo, aritaas oo iyana dadka badankiisa fajac galisay, maadaama la wada yaqana gudoomiyaha gobolka Gedo in uu yahay Maxamed Cabdi Kaliil kuna sugan yahay magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo.

Isku soow ada duub oo waxaa muuqata warka ka soo yeeray Gen. Fartaag in uu ahaa mid loogu adeegayo danaha maleeshiyo beeleeedka Raaskambooni ee uu ahayn mid loogo adeegayo danaha dadka u nasab sheegta gobolka Gedo.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/03/Voice_005.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com