Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya "Guusha Ciidamada Gaareeen Waxaa Sabab U Ahaa Taliyayaashii Xilka Laga Qaaday.

0

fiqi1Muqdisho (AGGM): Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in guulaha la taaban karo ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed soo hooyeen sabab u ahaayeen taliyayaashii hore ee xilka laga qaaday gaar ahaan Gen C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo Abaanduulihii hore C/kariin Yuusuf Aadan Dhagabadan.

Wasiirka  xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi  ayaa sheegay in guusha  ay gaareen ciidamada qalabka sida ay ku amaanan yihiin saraakiishii hogaaminayay ciidanka wuxuuna tilmaamay  in saraakiisha ay soo shaqeeyeen xili ay Al-shabaab ku sugnaayeen agagaarka madaxtooyada qaranka iyagoona gaarsiiyey in ciidanka Soomaaliya ay Al-shabaab ka saareen degmooyin iyo gobolo fog fog oo ay caasimada.

‘’Waxaan oran karnaa Gen  C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo Gen Dhagabadan waa geesiyaal Qaran oo aan xasuusan doono,’’ ayuu yiri wasiirrka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhigga xukuumada Soomaaaliya ayaa sheegay in dowlada iyo shacabka Soomaaliya  aysan marnaba ilaawi doonin waxyaabihii ay usoo qabteen mudadii ay hayeen hogaanka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii ay saraakiisha xilka ku wareejiyeen hogaanka cusub ee loo magacaabay ciidamada xoogga dalka munaasabad lagu qabtay xarunta wasaarrada gaashaandhiga.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com