Qarax Ka Dhacay Maanta Bartamaha Magaalada Kismaayo.

0

kismaayo2Kismaayo (AGGM): Wararka ka imanaya Magaalada Kismaayo  ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose ayaa waxaay tibaxayaan  in manta magaaladaasi uu ka dhacay qarax.

Qaraxaan oo ahaa bombada Noceedu u yahay  F1  ayaa waxaa uu ka dhacay Bartamaha Misaajidka Cali mukuli ee ku yaala Xafada Calanleey ee Magaalada Kismaayo.

Marki uu qaraxu dhacay ayaa waxaa gobta soo garaay Ciidamada Amaanka Magaalada Kismaayo kuwaas oo  baritaan ay sameyeen ku ogaday in bombada qaraxday ay ahayd noca F1 ka.

Qaraxaan ayaa waxaa uu dhaliyay Qasaaraha  labo qof oo ku dhawacantay  waxaana goobti uu ka dhacay wali ku sugan  Ciidamada Amaanka Magaalada Kismaayo.

Taliyaha  Ciidamada Amaanka ee Saldhiga Kismaayo  Deeq Cisman  Qalinle  oo  hadal kooban ka jeediyay goobti uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa uu sheegay in qaraxaani uu ahaa mid fudud oo aan gaysan qasaaro  badan.

Taliyaha ayaa waxaa uu sido kale  sheegay in qaraxaan usan ahayn mid meesha lagu sii asay  ee ay u badan tahay  in uu ahaa mid  si kama ah uga qarxay Ciidamo ku sugnaa Agagaarka Misaajidka  balse ay wali ku jiraan baritaan arinkaan ku sabsan.

Qaraxaan ayaa waxaa uu imaanaya  xili  Magaalada Kismaayo  labadi maalin ee ugu dambaysay laga dareemayay  xaalad daganaan ah ka dib marki ay magaalada ka baxeen Saraakishi Maamulka kmg ah ee Kismaayo ee is qilaafsana.

——————————————

Maxamed Cabdi Cali
Kismaayo-Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com