Sir Fakatay: Rag Qurbajooga Ah Unna Dhashay Beesha Sade Oo Lacago Ka Qaata Maleeshiyada Raaskambooni.

0

qatarWararka aanu heleeyno ayaa waxa ay sheegayaan in Rag u dhashay beesha Sade lacagana ka qaata unna shaqeeya maleeshiyada Raaskambooni ee ku sugan magaalada Kismaayo ay dalalka Yurub ka wadaan abaabul lagu taageerayo maleeshiyada raaskambooni iyo qorshaheeda guracan ee ka socda magaaalda Kismaayo .

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Raggan ay ku sugan yihiin dalalka Yurub gaar ahaan magaalooyinka Aarhus iyo Odense ee dalka Denmark, waxa ayna wadaan abaabul lagu taageerayo falalka guracan ee ka socda magaalada Kismaayo ee lagu daadinayo dhiiga dadka u nasab sheegta Beesha Sade.

Dhinaca kale qaar kamid ah raggan u adeegaya maleeshiyada Raaskambooni ee shilimada kasoo qaatay ayaa iyaguna waxa ay hoowlahaas oo kale ka wadaan magaalooyinka London, Birmingham ee dalka Ingriiska, waloow aysan ismuujin karin balse dadka kasoo jeeda beesha Sade mid mid ulla shooraya.

Raggan ayaa dhamaantood waxa ay horey uga tirsanaan jireen ururo qurbojoog ah oo taageera falaagada argagixisada ah ee Al Shabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya

Isku soo wada duub oo waxaan dhamaan Jaaliyada Gedo, Jubooyinka iyo Galguduud ku wargalinaynaa inay ka foojignaadaan dhaq dhaqaaqyadan ay wadaan ragga u adeega dhuuntooda iyo calooshooda ee aan lahayn garashada fog.

Naga Filo dhawaan Magacyada Raggan, Jifooyinka Beesha Sade Ee Ay Kasoo Jeedaan, Sawiradooda, Boonooyinka Ay lacagaha Uga Qaateen Xawaaladaha Iyo Magaalooyinka Ay Kaga Sugan Yihiin Dalalka Yurub.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com