Saraakiisha Dowladda Ee Gobolka Gedo Oo Sheegay In Ay La Wareegeen Deegaanno Ay Gacanta Ku Hayeen Falaagada Al Shabaab.

0

Ciidamada-Dowlada-HowlgalGarbahaareey (AGGM): Saraakiisha dowladda  Soomaaliya ee gobollka Gedo ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen deegaannka lagu magacaabo Tuulo-barwaaqo oo ka tirsan gobollkaas, islamarkaana ay gacanta ku hayeen maleeshiyaadka falaagada Al-shabaab.

Mid ka mid ah saraakiisha maamulka dowladda ee gobolka Gedo oo lagu magacaabo Col Cismaan Nuux Xaaji oo ka mid ah saraakiisha hogaaminaya ciidamada dowlada ee gobolka Gedo ayaa sheegay in ay la wareegeen deegaankaas kadib markii ay weerar ballaaran ku qaadeen sida uu tilmaamay.

Sarkaalkan ayaa sheegay in ciidamada dowlada Soomaaliya ay khasaare weyn ku gaarsiiyee dagaallka maleeshiyaadka falaagada Al-shabaab, iyaga oo sheegay in labo sasrkaal oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab ku dilleen dagaallka.

‘’Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa hadda si buuxda gacanta ugu haya deegaannka Tuulo-barwaqo, waxaana ay ku sii daba joognaa maleeshiyaadkii ka haray falaagada Al-shabaab oo u kala firxaday dhulka howdka ah,’’ ayuu yiri sarkaalka u hadlay ciidamada dowladda.

Sidoo kale saraakiisha dowladda waxaa ay sheegeen in ay dagaalka ku qabsadeen gaadiid dagaalka halka ay kuwa kalana ka gubeen sida ay sheegeen, iyga oo intaa ku darray in A-Al-shabaab laheyn awood ay uga horyimaadaan ciidamada dowladda.

Isha Ku Hay Allglagaduud Media
allgalgaduud@gmail.com

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca horjoogayasha maleeshiyada kooxda Al-shabaab ee gobollka Gado.