Maamulka Dowladda U Magacowday Galgaduud Oo La Soo Dhaweeyay.

0

dhuusamareebDhuusamareeb (AGGM): Kulan lagu taageerayay maamulka dowladda federaalka Soomaaliya ay u magacowday degmooyin iyo deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa xalay lagu qabtay degmada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka.

Kulanka waxaa si wada-jir ah u soo qaban-qaabiyay maamulka cusub ee dowladda ee degmada Dhuusamarreeb iyo bulshada rayidka, waxaana ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo Ahlu Sunna, odayaal, dhallinyaro iyo haween.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo dhoweeyay heshiiska dhex maray dowladda Soomaaliya iyo maamulka Ahlu Sunna Wal-jamaaca ee gobollada dhexe.

Guddoomiyaha degmada Dhuusamareeb Macallin Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geedo-qorow) ayaa sheegay in maamulka cusub ee dowladda u soo magacowday degmada uu wax badan ka qaban doono dhibaatooyinka iyo caqabadaha hor yaalla adeegyada bulshada ee Dhuusamarreeb.

Mar uu ka hadlayay heshiiska dowladda iyo Ahlu Sunna, Geedo-qorow wuxuu sheegay uu waddada u xaarayo sidii looga bixi lahaa dhibaatooyinka haysta bulshada ku nool gobolka.

Wuxuu ka codsaday dadka ku dhaqan gobolka inay la shaqeeyaan maamulkiisa, isagoo dowladdana ka codsaday inay dayactir ku sameyso ku dhowaad 60 xarumo dowli ah oo burbursan oo ku yaalla gobolka.

Dowladda Soomaaliya ayaa Arbacadii la soo dhaafay maamul KMG ah u magacowday Dhuusamarreeb, Balanballe, Caabudwaaq iyo Xeraale oo kulligood ka wada tirsan gobolka Galgaduud.

Wareegto uu ku saxiixan yahay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa guddoomiyaha degmada Dhuusamarreeb waxaa loo magacaabay Macallin Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geedo-Qorow, guddoomiyaha degmada Balanballe waxaa loo magacaabay Hareeri Xasan Barre.

Axmed Jaamac Dhirif, Guri waxaa loo magacaabay guddoomiyaha degmada Caabudwaaq, guddoomiyaha Guriceel waxaa laga dhigay Cismaan Ciise Nuur (Taar-dhuleed).

Xeraale waxaa guddoomiye looga dhigay Bashiir Daahir Yuusuf, Dhabbad waxaa guddoomiye looga dhigay Aadan Gebi.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inay maamullo ku-meel-gaar ah u sameyn doonto gobollada dalka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com