Dowladda Oo Xabsiga Dhexe Daawo Gaarsiisay Kadib Marki La Sheegay In Uu Ka Dilaacay Cudurka Shuban-ka *Daawo Sawirada*

0

xab1Muqdisho (AGGM): Mas’uuliyiin ka tirsan wasaarradaha garsoorka iyo adeega bulshada xukuumada Soomaaliya oo gaaray xabsiga dhexe ayaa la sheegay in ay gargaar deg deg ah la gaareen maxaabiista ku jirta xabsiga oo la sheegay in uu la soo darray cudurka shubanka.

Maax’uud Cismaan oo ah agasimaha waaxda caafimaadka ee wasaarrada adeega bulshada oo warbaahinta la hadllayay ayaa sheegay in xabsiga dhexe maxaabiista ku jira  uu fara ba’an ku hayo cudurka shuban-biyoodka ay lasoo gaareen deeq ka koobaan daawooyin iyo waliba dhaqaatiir baaritaano caafimaad u fidiya maxaabiista ku jira Xabsiga.

Agaasimaha ayaa sheegay in xukuumada Soomaaliya gaar ahaan wasaarada adeegga bulshada ay il gaar ah ku haysay dhibaatada caafimaad darro ee ka taagan xarunta Xabsiga dhexe ee Xamar oo ay ku jiraan maxaabiis gaaraya 1300 oo maxbuus kuwaas oo lagu riday xukuno kala duwan.

Taliyaha ciidamada asluubta dowladda Soomaaliya ayaa maalintii shalay qeylo dhaan ka muujiyaycuduro sida uu sheegay la soo darrsay maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe, iyadoo sida uu sheegay mid ka mid ah maxaabiista uu u geeriyooday cudurka shuban biyoodka.

xab1

xab

xab2

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com