R/wasaaraha Soomaaliya Saacid & Wafdigi Uu Hogaaminayay Oo Ku Wajahan Magaalada Gaalkacyo.

0

IMG_3101 (2)Gaalkacyo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaan in R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ay ku wajahan yihiin magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in magaalada Gaalkacyo ayaas ay ka socoto qaban qaabo loogu diyaar garoobayo soo dhaweynta R/wasaaraha Soomaaliya.

Waxaa si weyn loo adkeeyay Amniga guud ee magaalada Gaalkacyo oo ay iska kaashanaya ciidamada   maamulada Galmudug iyo Puntland.

Garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa hadda ku sugan mas’uuliyiin iyo shacab fara badan kuwaas oo u diyaar garoobaya soo dhaweeynta R/wasaaraha Soomaaliya iyo waftiga uu hogaaminayo.

R/wasaare Saacid iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa socdaalkooda waxa uu ku mari doonaa yahay Koonfurta iyo waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Isku soo wada duub oo oo R/wasaare Saacid ayaa maalmihi ugu dambeeyay booqashooyin is daba joog ah ku marayey gobolada dalka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com