Madaxweynaha Dalka Masar Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Dhawaan Booqasho Ku Imaan Doona Soomaaliya.

0

musriMuqdisho (AGGM): Wafdi ka socda dowladda Masar oo uu hogaaminayo wasiirka arrimaha dibada Masar ayaa barqonimadii maanta ka soo degay garoonka diyaarada Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wafdigan oo uu hogaaminyo wasiirka arimaha dibada Masar Maxamed Kamel Camar ayaa waxaa garoonka diyaaradaha si diiran ugu soo dhaweeyay R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka arimaha dibada, wasiirka Gaashaandhiga,  mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlada iyo danjirayaasha u fadhiya Soomaaliya qaar ka mid ah Wadamada Carabta.

Islamarkiiba wafdiga ayaa loo soo gelbiyay dhinaca madaxtooyada Qaranka iyadoo la filayo in ay wadahadalo la qaataan madaxda dowlada,  waxaana la sheegay in wafdigan uu gogol xaar u yahay booqasho uu dalka ku imaandoono Madaxweynaha dalka Masar.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud”gmail.com