Shir Jaraa'id: Madaxweyne Xassan Sheekh Oo Caalam-ka Ka Codsaday In Wax Lagala Qabto Sara U Kaca Maciishada.*Dhagayso*

0

xasan sheekh11Muqdisho (AGGM): Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud oo ka hadllayay jahwareerka shacabka Soomaaliyeed ka heysta sare u kaca maciishada iyo hoos u dhaca ku yimid sarifka doolar ayaa qeylo dhaan u dirray beesha calaam-ka, si wax loogala qabto arinta iyada ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee arinta keentay tahay doolarka oo siweyn ugu soo batay dalka, xili uu meesha ka sii baxayo shilka Soomaliga, waxaana uu intaa ku darray in dowladda ku dadaaleyso sidii ay suuqa ugu sii deyn laheyd wixii Shil Soomaali ah oo gacanteeda ku jira.

‘’Waxaan ka dalbaneynaa beesha caalamka, QM, ururada Islaamka, wadamada deeqaha bixiya, hay’addaha samafalka iyo guud ahaan dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya in ay arinta wax nagala qabtaan, ayuu yiri madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

Todobaadyadii ugu danbeeyay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho waxaa soo food saaray dhibaato xoog leh oo ka heystay qiimo dhac ku yimid shilka Soomaaliga iyo waliba ganacsatada oo aan wax isbadal ah ku keenin maciishada, waxaana ay arintaa nolasha ku adkeysay qoysas badan oo Sooamaaliyeed.

Madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud waxaa uu sheegay in looga baahan hay’adda dowladda ee arinta ku shaqada leh in ay deg deg u fara-galiyaan qiimo dhaca ku yimid shilka Soomaaliga, madaama uu suuqa ku xoog batay doolarka.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/03/Madaxweynaha-Shir-jaraaid-Muqdisho-oo-ka-hadlaya-arimo-fara-badan-.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com