Maxaad Ka Taqaan Taariikhda Uhuru Kenyatta?

0

uhuru kenyataUhuru Kenyatta waa nin qani ah waxa uuna ka mid ahaa labadii Ra’iisul wasaare ku xigeen ee Kenya.

Waxaa dhalay ninkii u horseeday Kenya inay xornimada qaadato ee Mzee Jomo Kenyatta, isla markaana noqday madaxweynihii ugu horeeyay, waxa uu leeyahay magac, sharaf lacageed iyo waliba culeyska ay labadaasi wataan.

Balse waxa uu la halgamayaa culeyska uga imanaya dacwada kaga socota Maxkamada Caalamiga ee Dambiyada ee ICC ee la xiriirta dambiyada ka dhanka ah aadanaha.

Magaca Uhuru waa kalmad sawaaxili ah oo macnaheedu yahay Xoriyad, waxa uu sameyn doonaa rikooro cusub oo taariikhi ah haddii uu ku guulaysto doorashadan.

Waa marka hore ee waxa uu noqon doonaa madaxweynihii ugu da’da yaraa ee abid soo mara Kenya, oo waxa uu dhashay bishii October 1961-kii. Mida labaad, waxa uu ku taagan yahay waddadii aabihii si uu u hogaamiyo dalka. Waxa uu noqonayaa madaxweynihii labaad ee Afrikaan ah ee ay maxkamada ICC ay dacwadi ka taal oo waxaa ka sii horeeyay Madaxweynha Suudaan Cumar Xasan Albashiir. Haddii uu doorto in aanu la shaqeynin Maxkamada Caalamiga ee Dambiyada wuxuu Kenya ka go’doomin doonaa bulshada caalamka sida waddanka Suudaan oo kale.

Uhuru ayaa inta badan waxa uu ka fogaa siyaasada, oo waxa uu doonayay in loo arko sidii qof caadi ah oo ay dadka caadiga ee Kenya-ka ah ay heli karaan markii ay doonaan.

Inta badan dadka Kenya ma xasuustaan maaliintii bishii July sanadii 1990-kii, markaa oo isaga iyo afar wiil oo kale oo ay dhaleen siyaasiyiin caan ah ay soo saareen war saxaafadeed ay kaga codsanayaan xisbigii talada hayay ee KANU inay furaan hanaanka xisbiyada badan.

Marxaladii ugu muhiimsaneyd ee taariikhda siyaasadeed ee Uhuru waxa ay aheyd markii madaxweynihii hore ee Moi oo xilka ka sii dagaya uu u magacaabay inuu noqdo qofka xilka ka badali lahaa, waxay aheyd 2002-dii, go’aankaasna waxa uu ka careysiiyay siyaasiyiin caan ah oo uu ku jiray, Raila Odinga iyo madaxweyne ku xigeenkii waagaas ee George Saitoti.

Siyaasiyiintaasna waxay go’aansadeen inay isaga baxaan xisbigii KANU waxayna taageereen Mwai Kibaki oo ku guulaystay doorashadii.

Uhuru sidaa ayuu ku lumiyay fursadii ugu horeysay ee uu ku doonayay inuu ku noqdo madaxweyne.

Doorashadii xigtay ee 2007-dii waxa uu taageeray Mwai Kibaki oo doonayay in markale la soo doorto waxayna markaa si dadban isaga hor yimaadeen Raila Odinga.

Ka dib markii la xaliyay murankii ka dhashay doorashadii 2007-dii Uhuru waxa uu noqday Ra’iisul wasaare ku xigeen waxaana loo magacaabay Wasiirka Maaliyada.

Waxa uu u muuqday shakhsi ku dadaalaya inuu muujiyo inuu yahay qof cagahiisa ku istaagi kara, maadaama markii hore uu ku soo baxay gacan qabad iyo taageerada madaxweynihii hore ee Moi, wuu isaga baxay xisbigii KANU oo waxa uu uga sii gudbay inuu sameysto isbaheysiga la magac baxay The National Allience (TNA), wuxuuna xulufo la sameystay xisbiyo kale si uu hamigiisa u gaaro.

Dhibaatooyinkii soo wajahay Kenyatta

Inkastoo aabihii uu magac lahaa oo uu ahaa halyeeygii u soo dagaalamay xoriyada dalka, ayaa haddana qoyska Kenyatta waxaa lagu eedeeyaa inay leeyihiin dhul aad u ballaaran oo ku yaalo gobolada Rift Valley, midka Bartamaha iyo gobolka Xeebta.

Waana arrinta su’aasha joogtada ah ku noqotay Kenyatta meel walba oo uu ka aado dalka. Wuxuuna marwalba ku qasbanaadaa inuu si shakhsi ahaaneed iskaga difaaco eedaymahaa. Sababtu ayaa waxa ay tahay in lahaanshaha dhulka ay xudun u tahay dhibaatooyinka inta badan ka dhaca dalka Kenya.

Wargeyska caanka ah ee ka faaloodaa maalqabeenada ee Forbes ayaa sheegay in Uhuru Kenyatta uu ka soo galayo kaalinta 23-aad dadka ugu qanisan qaarada Afrika, waxa uuna wargeysku hantidiisa ku qiyaasay $500 oo milyan oo doolar.

Dhanka kale, Uhuru waxa uu si dhaqsa ah ugu hormarayaa ka ganacsiga iyo maalgashiga warbaahinta. Reerkiisa ayaa waxa ay lee yihiin xarun TV, wargeys iyo dhowr idaacadood oo ka howlgala dalka Kenya.

Culeyska dacwada ICC-da

Uhuru Kenyatta iyo kuxigeenkiisaba William Ruto, waxa ay ka mid yihiin afar qof oo ay maxkamada caalamiga ee dambiyada dagaalka ee ICC ay la xiriirinayso dambiyo ka dhan ah aadanaha oo ku eedaynayso inay ka gaysteen intii ay socdeen rabshadihii Kenya ka dhacay 5 sano ka hor. Uhuru waxaa si gaar ah loola xiriirinayaa koox la mamnuucay oo lagu magacaabo Mungiki oo lagu eedaynayo inuu maalgaliyay si ay u fuliyaan weeraro aargoosi ah.

Su’aasha taagan ayaa waxa ay tahay in uu la shaqeyn doono oo uu u hogaansami doono maxkamada caalamiga iyo in kale.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com