Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Galabta Kismaayo Ku Toogtay Labo Ka Tirsanaa Maleeshiyadooda.

0

seeraar-kismayoKismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Maleeshiyo beeleedka  Raaskambooni ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa galabta toogtay labo maleeshiyo oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Raaskambooni, kuwaas oo horey u dilay maleeshiyaad kale oo isla Raaskambooni ka tirsanaa.

Afhayeenka Jabhad beeleedka Raaskambooni Cabdinaasir Seeraar oo u waramay warbaahinta ayaa xaqiijiyay toogashada labo ka tirsanaa maleeshiyadooda oo ka dhacday Kismaayo, wuxuuna sheegay in maleeshiyada Raaskambooni aanu laheyn xarumo maxkamadeed, balse ay xukunka waafajiyeen shareecada islaamka.

Wuxuu tilmaamay in labada ka tirsanaa maleeshiyada Raaskambooni ee galabta la toogtay ay toddobaadkii hore dileen labo kale oo ka tirsanaa maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee Kismaayo.

Afhayeenka maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Seeraar ma aanu sheegin magacyada askarta la toogtay iyo kuwii kale ee toddobaadkii hore la dilay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com