Doorashadii Kenya Oo U Muuqata In Uu Ku Guuleystay Uhuuru Kenytta.

0

uhuru kenyataNairobi (AGGM): Waxaa xalay si rasmi ah loo soo gabagabeeyay tirintii codadka doorashada dalka Kenya oo sadaxdii maalmood ee la soo dhaafay si toos ah uga socotay xarunta Bomas ee fadhiga u ah guddiga doorashada dalka Kenya.

Iyadoo la filayo in natiijada rasmiga ah saacado yar uun kadib lagu dhawaaqo ayaa warar hor dhaca ah ee soo baxaya waxaa ay sheegayaan in uu si rasmi ah doorashada ugu guulesytay Uhuru Kenyatta oo codadkii la tiriyay ka hellay 6,173,433 cod, taasoo noqonaysa 50.03% oo ah codadkii looga bahaa murashaxa xilka madaxnimo ku guuleysanaya, halka Raila Odinga oo tartan xooggan ay ku jireen uu helay 5,340,546.

Haddii tirada si rasmi ah loogu dhawaaqo waxaa ay taasi meesha ka saari kartaa in wareeg kale oo doorasho loo baahdo, madaama Uhuru Kenyatta oo uu gaaray tiradii loo baahnaa in uu ku badiyo musharaxa ku soo baxaya kursiga madaxtinimada dalka.

Isbahaysiga uu hoggaaminayo Raila Odinga ee CORD ayaa horay u sheegay in codadka lagu shubanayo, inkastoo taas ay beeniyeen guddiga doorashada lamana oga go’aanka ay qaadan doonaan markii doorashada si rasmi ah loogu dhawaaqo.

Laakiin guddiga doorashada ayaa waxaa ay sheegeen in cid kasta oo arinta shaki ka qabta in looga baahan yahay in ay marto wadada sharciga ah, mudo bil gudaheed ahna ka dacwooto maxkamada sare.

Madaxweynaha cusub ee Kenya waa 52-jir dhashay sannadkii 1961-kii, laba sano ka hor intii aysan Kenya xorriyadda ka qaadan gumeystihii Ingiriiska, isagoo noqonaya madaxweynihii ugu da’da yaraa ee Kenya soo mara, wuxuuna wax kusoo bartay dalka Mareykanka, isagoo muddo dheer kusoo jiray siyaasadda dalka Kenya.

Waxaa la filayaa in guddiga doorashada si rasmi ah natiijada ugu dhawaaqaan 17:00 marqanimo ee maanta.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com