Marwo Caasha Xaaji Cilmi Oo Haween Iyo Caruur Kula Dabaal Degtay Xero Barakacayaal, Maalinta Haweenka.*Daawo Sawirada*

0

IMG_2853Muqdisho (AGGM): Marwada Ra’iisal Wasaaraha Xildhibaan Caasho Xaaji Cilmi ayaa maanta kula dabaal degtay munaasabadda maalinta haweenka caalamka 8th March  caruur iyo haween ku nool xero barakacayaal ah oo lagu magacaabo Al cadaala.

Marwada Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale, gaarsiisay xeradaasi kaalmo raashin ah oo isugu jirtay Bur, Bariis, Cabitaan, iyo macmaan, iyada oo uga gol leh inay uga farxiso dadkaasi tabarta daran maalintan oo ah maalin si weyn looga xuso caalamka.

Xildhibaan Caasha oo kormeertay qolalka ay wax ku bartaan ardayda xeradaasi barakacayaasha ayaa mid mid u wareysatay xaalkooda, waxayna ku dhiiragelisay caruurta ku jirtay xeradaasi inay ku dadaalaan waxbarashada, maadaama ay yihiin madaxda mustaqbalka.

“Ogaada waxaad tihiin madaxda mustaqabalka, waxaana idin eeganaya ummadda Soomaaliyeed” ayay tiri Marwo Caasho oo intaasi ku dartay inay aad ugu faraxsan tahay inay aragto arday tiradoodu intan la egtahay oo wax ku baranaya xero barakakacayaal.

Sidoo kale, Xildhibaan Caasha ayaa sidoo kale, sheegtay in maalinta haweenka laga xuso dhamaan caalamka, si gaar ahna dalka Soomaaliya ay sanadkaan ugu doorteen hal ku dhega ah (Action to end violence against women).

Xildhibaan Caasha oo ka hadleysay falalka ka dhacanka ah haweenka, gaar ahaana kufsiga ayaa sheegtay inay hoos u dhacday falalkii lidiga ku ahaa haweenka iyo caruurta, balse aysan sidaasi uga hari doonin balse ay xaqiijinayaan inta ay ka dhamaaneyso falalka tacadiyada ah.

Qaar ka mid ah haweenkii ka soo qeybgalay munaasabadan ayaa uga mahadceliyay xildhibaan Caasha Xaaji Cilmi sida ay u soo dhexgashay una soo xasuusatay dadka taagta daran ee barakayacaasha waxayna ugu baaqday haweenka kale ee munaasabadaha ku qabta Hoteelada inay sidan oo kale u soo xasuustaan dadka barakacayaasha ah.

—DHAMAAD—
IMG_2925 (2)

IMG_2908 (2)

IMG_2871 (2)

IMG_2822 (2)

IMG_2937 (2)

Garad Salad Hersi
Press officer
Mogadishu, Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com